DAAWO Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Madaxtooyada oo ka Hadashay Soo Dhawayn Qasriga Madaxtooyada loogu Sameeyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Madaxtooyada oo ka Hadashay Soo Dhawayn Qasriga Madaxtooyada loogu Sameeyay.
January 19, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Munaasibad xarunta madaxtooyada loogu sameeyey agaasimaha guud ee madaxtooyadda ee cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan iyo shaqaalaha madaxtooyadda. Munaasibadaas oo ka dhacday hoolka shirarka ee madaxtooyada.

DSC_0001-1

Munaasibadan oo ay shaqaalaha madaxtooyadu ku soo dhaweynaayeen agaasimaha guud ee dhawaan xilka loo magacaabay Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa masuuliyiinta ka soo qayb gasha waxaa ka mid ahaa wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiiru dawlaha madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees, wasiir ku xigeenka war-faafinta Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, agaasimaha komishanka xuquuqal iinsaanka ee qaranka Marwo Farxiya Jaahuur, madaxa xafiiska samo falka ee madaxtooyadda Aamina Maxamuud Diiriye, qaar ka mid ah badhasaabadda dalka iyo marti sharaf kale.

COMMENTS
LINKS