Ciidanka Booliiska Oo Toogtay Wiil Dhalinyaro ah Oo Maxbuus ahaa Iyo Badhasaabka Maroodi jeex oo ka hadlay nin xalay magaalada hargaysa lagu dilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliiska Oo Toogtay Wiil Dhalinyaro ah Oo Maxbuus ahaa Iyo Badhasaabka Maroodi jeex oo ka hadlay nin xalay magaalada hargaysa lagu dilay
January 19, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa,(Wajaalenews) Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa maanta Toogasho ku Dilay Wiil Yar oo lagu magacaabo Daahir Cabdilaahi Jaamac oo la keenay maxkamada Degmada Hargeysa Kadib markii uu aabihii Soo Xidhey Wiilka yar.

Wiilkan yar ee ciidamadu rasaasta ku fureen oo aan gaadhin 20 jir ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in uu isku dayay inuu ka baxsado  gaadhiga lagu keenay maxkamada islamakaana uu ka booday Xaajiyada Saldhiga Maxamed Mooge, kadibna ay ciidamada booliiskU xabad ku fureen islamarkiina uu dhintay oo loo qaadey Cisbitaal Guud ee magaalada Hargeysa.

Wararka aanu ka helayno xarunta CIDda ee magaalada hargeysa ayaa sheegaya in la keenay afar askari oo ka tirsanaa ciidankii ilaalada ka ahaa gaadhiga uu saarnaa wiilkani.

Geesta kale Waxaa xalay Degamada  Axmed Dhagax gaar ahaan Agagaarka Stadium-ka lagu dilay marxuum la sheegay inuu kasoo jeedo dalka Ethopia.

Badhasaabka Gobolka Maroodijeex oo maanta la hadlay idaacada BBCda ayaa sheegay in dilka xalay ka dhacay degmada Axmed Dhagax loo qabqabtay dad lagu eedeeyay in ka dambeeyeen dilkan, isagoo sidoo kale sheegay  in  ciidamada booliiska Somaliland ay wadaan baadhitaano la xidhiidha dilkaas.

 

 

COMMENTS
LINKS