Ciidanka Amaanka Gobolka Togdheer Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Cabdimalik Muuse Coldoon | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Amaanka Gobolka Togdheer Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Cabdimalik Muuse Coldoon
January 18, 2016 - Written by Editor:

Burco(Wajaalenews Ciidanka Amaanka Gobolka Togdheer ayaa mardhaw Xabsiga U taxaabay Wariye Cabdimalik Muuse Coldoon Oo kamida Wariyayaasha Ka Hawl Gala Gobolka Togdheer.

Wariyahan ayaa waxa xadhigiiisa Amray Badhsaabka Gobolka Togdheer Mudane Maxamed Ibraahin Aaadan(QABO), Waxaana Xadhiga wariyahan lala Sababaynayaa Riwaayad Uu dhawaan ka Sameeyey Badhasaabada Somaliland ee Dhawaan Dawlada Itobia U Yeedhay iyo Walibana waraysi uu dhawaan la yeeshay Nin Itobianah  oo lagu eedeyey inuu qashay gabadh Yar oo  Afar Jira.

Sidoo kalena Waxa Xadhiga wariye Coldoon la Waheliya Camera Man-kiisa oo lagu magacaabo DIiriye iyadoona sidoo kale ay ciidanka Amaanka Gobolka Togdheer ay la wareegeen Xafiiskii Wariye coldoon Iyo waliba qalabkii Warbaahineed ee meesha yaalay Waxanaa Wararku intaa ku daraya In Ay ciidanku ka furteen Taarikadii Baabuurkiisa .

 

COMMENTS
LINKS