BURCO Wasiirka Shucayb Oo Lugtii Koowad Ee Safarkiisa Ku Tallaabsaday Qoddob Dhiirigeliyey Warshadleyda Togdheer | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
BURCO Wasiirka Shucayb Oo Lugtii Koowad Ee Safarkiisa Ku Tallaabsaday Qoddob Dhiirigeliyey Warshadleyda Togdheer
January 10, 2016 - Written by Editor:

Magacyada Lix Wershadood Oo Mid Kamid Ahi Cusub Tahay Oo Wasiir Shucayb Shalay Kormeer ku Tegey

  Burco (Wajaalenews  ) Wasiirka Wasaradda Wershadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse oo  maalintii saddexaad safar shaqo ku jooga magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco ayaa maalintii shalay kormeer ku gaallaa bixiyey wershadaha kala duwan ee waxsoosaarka ee fadhigoodu yahay magaalada Burco. Kormeerka wasiirka ayaa dhammaanba uu ku soo indho indheeyay qaabka waxsoosaar ee warshado ay kamid yihiin Wershadda saabuunta ee Ilays, wershadda saabuunta ee Deero, wershadaha biyaha sifaysa  ee Maaxda, Saxansaxo  iyo sidoo kale warshadii hore ee gallayda, kuwaas oo dhammaantood uu u kuurgalay habsami u socodka shaqooyinka ay ummada u hayaan.

burco 2 burco iyo wasiir

Dhinaca kale Wasiirka Warshadaha Somaliland waxaa uu sidoo kale Burco ka Dhagax-Dhigay dhismaha xarunta  cusub ee ay wasaaraddaasi ku yeellan doonto magaalo-madaxda gobolkaasi.  Sidaasi si la mid ah waxaa uu Wasiir Shucayb dhagax dhigay dhisme loogu talo galay in ay soo saarto saliidda cuntada taasi oo baahi ballaadhan loo qabay. Nuur ducaalle oo kamid ah masuuliyiinta warshadda saabuunta ee Ilays iyo wershaddan cusub ee uu dhagax dhigay ee Saliidda soo saari doonta ayaa wasiir shucayb uga xog warramay dhagax dhiga wershaddan cusub ee ay hirgelinayaan, “Md. Wasiir tani waa warshadda soo saari doonta saliidda cunta ama waxa loo yaqaanno Cooking Oil, taas oo hirgelinteeda iyo dhamaystirkeedu ay insha allaahu lix bilood qaadan doonto, waxaanay ku kacaysaa lacag dhan afar milyan iyo badh dollar [$4.5 Million]” sidaa ayuu yidhi Mr. Nuur Ducaalle, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya xaddiga saliidda ee ay ugu talo galeen in ay maalintii soo saarto  wershaddani “Wershaddani waxaa ay maalintii soo saari doontaa shan iyo labaatan ton [25 ton] oo saliid ah, taas oo ku filnaan doonta dhammaan geeska Afkrika’” ayuu yidhi Masuulkani.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isaguna tilmaan ka bixiyey waxtarka ay shirkaddani kusoo kordhin doonto guud ahaan  gobolka Geeska Afrika gaar ahaanna Somalialnd “Md. Wasiir ku soo dhawaw gobolka Togdheer, adiga lagaaga warrami maayo oo waxaad tahay nin xog ogaal ah oo maayar ka soo noqday dalka, sidaas darteed waxaad tahay wasiir dhaqaajin kara wasaaradda, waxaanu kuugu ducaynaynaa in dadaalkaa faraha badan ee aad waddo uu illaahay kugu guulleeyo” sidaa ayuu yidhi Mr. Xayd.

Gebogabadii wasiirka wershadaha Somalialnd Shucayb Maxamed Muuse ayaa ka war bixiyey nuxurka uu socdaalkiisu daarnaa kaasi oo uu farta ku fiiqay in kormeerkani  noqonayo tallaabadii koowaad ee safarka burco. Wasiir Shucayb waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay dardar gelinta iyo dhiirinta wershadleyda dalka si waxsoosaarka ay ummadda u hayaan loogaga maarmo badeecadihii dibada uga imanay. Wasiirku waxaa uu faahfaahiyey qorshahooda ay sannadkan cusubu ugu talo galeen wershadlayda, kaasi oo uu carrabka ku dhuftay in ay samayn doonaan wax aan weli la arag “Waxaannu doonaynaa sanadkan inaanu samayno wax aan weli la arag, oo ay kamid tahay kala xadaynta waxsoosaarka wershadaha iyo weliba dhaqan gelinta siyaaasadii lagu hagi lahaa  oo aanay hore u lahayn wasaaraddu, taasina waa midd anagu kallifaysa kormeerrada noocan oo kale ah” ayuu yidhi wasiir Shucayb

COMMENTS
LINKS