Baraha Xidhiidhka Bulshada Oo Su’aallo Mutaxan Iska Weydiiyey Shir-weyne Dhiig-bax Ku Ah Qaddiyadda Somaliland Oo Shalay Lagu Soo Gunaannaday Xamar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baraha Xidhiidhka Bulshada Oo Su’aallo Mutaxan Iska Weydiiyey Shir-weyne Dhiig-bax Ku Ah Qaddiyadda Somaliland Oo Shalay Lagu Soo Gunaannaday Xamar
January 13, 2016 - Written by Editor:

Isbarbar-dhiga Xadhigii Ay Xukuumaddu Kula Kacday Kooxdii Fan-masraxeedka Xamar   U Tegey &  Suxufiyiin reer Somaliland Ah Oo Shirweyne Daahir-yaa-shamis Ahi Ugu Soo Dhammaaday Shalay Muqdisho

Hargaysa(Wajaalenews) shirweyne loogu magac daray Horumarinta Warbaahinta Soomaliya, oo muddo laba maalmood ka socday magaallada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya ayaa maalintii shalay lagu soo gebo-bayeeyey isla magaalladaasi. Shirkaas oo qabsoomidiisa loogu talo galay Warbaahinta ka hawlgasha Maamul goboleedada Soomaliya, kaasoo hindisaha iyo hirgelintiisaba lahayd Dawlada Federaalka Soomaliya oo uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkan waxaa la isugu keenay weriyeyaal la ka kala yimi maamul gobolleedyada uu ka kooban yahay dalka Soomaaliya, oo sida war murtiyeed laga soo soo saaray gunaannadkisii lagu sheegay in ay Somaliland-na ka qayb ahayd islla markaana ay uga qayb galeen laba weriye oo kala ah Wariye Maxamed Cabdi ilig, oo ah Agaasimaha Tv-ga Maxlliga ah ee HCTV iyo Wariye Axmed Cabdiraxmaan Xirsi Heelo, oo Gudoomiyaha Wargeyska SAHAN, sidoo kale-na ah, Wariye ka Halwgala Telefinshanka HCTV.

Shirkaas oo qabsoomidiisa loogu talo galay Warbaahinta ka hawlgasha Maamul goboleedada Soomaliya,  si loogu qanciyo ama loogu daadejiyo Himilada iyo ujeedooyinka laga leeyahay Xeer dhowaan golaha Shacabka Soomaliya ansixiyey, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud-na dhaqan-geliyey ayaa waxaa kasoo qayb galay xidhitaankiisii shalay , hadallana ka jeediyey Raysal wasaare-ku-xigeenka Dawlada Soomaliya Maxamed Cumar carte, wasiirka Warfaafinta Dawlada Federaalka Soomaliya Maxamed Cabdi Maareeye, Wasiirka Waraafinta Maamul Goboleedka Puntland, Wasiirka warfaafinta Maamul goboleedka Galmudug, wasiirka Warfaafinta Maamul goboleedka Shabeelaha dhexe iyo Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubland,   masuuliyiintaas ayaa khudbadihii ay madasha ka jeediyeen waxaa ay si isku mid ah hoosta uga xarriiqeeen  in shirkan loo qabtay Warbaahinta ka hawlgasha maamullada iyo deegaannada wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaliya,  iyagoo hogo-tusaaleyeeyey mabaadii’da iyo ujeeddada loo  loo curiyey Xeerka Warbaahinta Soomaliya. Qoddobka xusida mudan ayaa ah  in madaxda dawlada Federaalka Soomaliya ay sheegeen inay shirka goob-joog ku  ahaayeen  qaar kamid ah Ururrada Suxufiyiinta ee maamul gobolleedyada Soomaaliya, sida Ururka Suxufiyiinta Nusoj, Ururka saxafiyiinta gobolka Sh/dhexe(Misja) iyo sida lagu sheegay War qoraaleed kasoo baxay shirka

MUQDISHO1111

suxufiyiin Somaliland ka socota, Kuwaasoo kala ah Wariye Maxamed Cabdi ilig, oo ah Maareyaha Tv-ga Maxliga ah ee Hctv iyo Wariye Axmed Cabdiraxmaan Xirsi (Heelo) Gudoomiyaha Wargeyska Sahan. Ugu horayn, Ray’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo shirkaas furay ayaa sheegay in shirkani yahay mid ahmiyad gaar ah leh, isla markaana la rabo in laga soo saaro is-taraatijiyad ay ku shaqeyn karto Warbaahinta Soomaaliya shanta sanno ee soo socda. Wasiirka Warfaafinta, hidaha iyo dhaqanka dowladda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada shirkan ay tahay in marka koowaad laga doodo istaraatijiyada shanta sano ee warbaahinta dalka iyo in sidoo kale lagu soo bandhigi xeerkii saxaafadda Soomaaliya ee uu baarlamanku ansixiyay Madaxweeynuhuna saxiixay. Madaxda maamul-gobleedyada oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan sharciga xeerka saxaafadda Somalia ee uu baarlamaanku Ansixiyay, iyagoo sheegay in qodobbo ay jeclaayeen in wax laga badalana ay ka rajeeynayaa gudiga gacanta ku haya in ay ku daraan xeer hoosaadka uu yeelan doono sharcigaasi.

Suxufiyiinta Somaliland ee Shirka Ka qayb galay iyo doodad ra’yul-caamka bulshada

Ka sokow Kulankan, waxa ay bulashada Somaliland wax iska weydiinaysaa, ka qaybgalida ay shirkaasi ka qaybqaleen Agaasimaha telefishanka Horn Cable TV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) iyo Guddoomiyaha Wargayska Sahan, isla markaanna ah Wariye ka tirsan Telefishankaas HCTV Mr Heello. Waxaana baraha bulshadu ku kulanto ay in badan oo reer Somaliland ku falanqaynayeen, xubnahan kasoo dhex muuqday kulanka saxaafadda loogu qabtay Muqdisho. Waxaanay bulshada Somaliland siyaabo kala duwan uga hadlayeen waxa keenay xiligan iyo saxaafadda Somaliland ku dhex milanto ta Somalia oo ay dhacdo in suxufiyiin ka tirsan saxaafadda Somaliland ka qaybgalaan kulan sidan oo kale ah, maadaama ay Somaliland tahay dal aan ka tirsanayn Somalia, isla markaana ay madaxbannaan tahay, wallow aanay aqoonsi buuxa ka helin caalamka.

Gebo-gebo

Haddaba, sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerarka dalku, waxa reeban, isla markaana fal danbiyaad Khiyaamo qaran ah noqonaaya Cidkasta Somaliland uu dhalatay oo ka qaybgasha shirarka siyaasada iyo Bulshada rayidka ah ee ku isnam magaca Soomaliya, cidkasta ha u qabatee. Qodobadaas sharci waxa ay si gaar ah uu khuseeyan Madaxda dhaqanka, Ururrada Bulshada rayidka rayidka ah, Siyaasiyiinta iyo cidkasta oo magac leh oo Somaliland uu dhalatay, oo uu hanqal taagta shirarka iyo kulamada Beesha caalamku uu qabato Soomaliya.

Sidaas darteed, waxaa ay doodaha bulshadu carrabka ku adkayeen waxtar iyo waxyeello midda ay ka qayb galka shirka ee suxufiyiintani uu u horseedi karo qaranimadii, iyaga oo tusaalle u soo qaatay  dabayaaqadii sanadkii inna dhaafay ee 2015-kii  fal xadhig ah oo ay xukuumadda Somaliland  hore ugu fulisay Fanaaniin Somaliland u dhashay oo magaalada Muqdisho fan-masraxeed kusoo qabtay, kaasoo marka si loo eego ah balwo ka madaxbanaan siyaasad, hase-yeeshee, ujeedadu ay ahayd fulinta sharciga dalka iyo in loo quus goynaayo cid kasta oo u hanqal taageysa marinkaa qalooca ee Soomaliya

COMMENTS
LINKS