|
|||||
WAJAALE NEWS
Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyey In Saddex Waddan Muwadiniintoodu Fiiso La’aan ku Soo Galaan Waddankooda,
January 16, 2016 - Written by Editor:Adis ababa(Wajaalenews) Baarlamaanka Itoobiya ayaa shalay sharciyey in muwadaniinta 3 dal ay Itoobiya ku soo gali karaan fiiso la’aan. Fadhiga shallay ay isku yimadeen Barlaamanku ayaa ahaa mid aan caadi ahayn waxanay ku ansixiyey in dadka ka soo jeeda wadamada Tuunisiya, Turkiga iyo Siishilis ay Itoobiya ku soo galaan fiiso la’aan. Sidoo kale, dadka ka soo jeeda Itoobiya ayaa iyaguna u socdaali karaa wadamadaas fiiso la’aan. Ansixinta heshiiska ayaa lagu macneeyey arrin kor loogu qaadayo cilaaqadka ka dhaxeeya shacabka wadamadaas iyo ka Itoobiya. Baarlamaanka ayaa waxaa kale oo uu maanta sharciyey ilaa 8 heshiis oo dhaxmaray Itoobiya iyo wadamo kale. Heshiisyada ayaa lagu tilmaamay kuwa adkeynaya xidhiidhka Itoobiya iyo wadamadaas ee dhanka amaanka, waxbarashada, ganacsiga iyo caafimaadka.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|