Baarlamaanka INGIRIISKA oo lagaga Hadlay Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka Somaliland & Xukuumadda UK oo ka muquuratay Su’aal laga waydiiyey Kaalinta Beesha Caalamka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baarlamaanka INGIRIISKA oo lagaga Hadlay Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka Somaliland & Xukuumadda UK oo ka muquuratay Su’aal laga waydiiyey Kaalinta Beesha Caalamka
January 27, 2016 - Written by Editor:

“Waxa jira dal madaxbanaani aan dhamaystirnayn (de facto) haysta Somaliland oo muujiyey horumar qaan-gaadhnimo ah & daryeel uu bulshadiisa u qabto….” Mr. Stephan Doughty.

Xukuumadda Ingiriiska oo ka gabatay su’aal laga weydiiyey Somaliland

London(W,N) Xildhibaannada Baarlamaanka Ingiriiska ayaa faahfaahin ka bixiyey horumarka Somaliland ka gaadhay dhinacyo kala duwan, isla-markaana su’aalo ka weydiiyey mowqifka xukuumaddooda ee la xidhiidha doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Dood baarlamaanku Shalay kaga hadlayey doodka dublamaasiyadda Ingiriiska ee ku waajahan horumarka iyo siyaasadda Qaaradda Afrika, guud ahaan iyo Bariga, ayaa si weyn loogu soo qaaday horumarka Shacabka iyo Xukuumadda Somaliland ka gaadheen, iyo muhiimadda garab-istaagooda.

Xildhibaan Stephen Doughty, oo doodda baarlamaanka ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland muujisay qaan-gaadhnimo, isla-markaana u guntatay waxtarka bulshadeeda, waxaanu yidhi,

“Waxa jira dal madaxbanaani aan dhamaystirnayn (de facto) haysta Somaliland oo muujiyey horumar qaan-gaadhnimo ah, daryeel uu bulshadiisa u qabto, iyo dhab ahaan kobcinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo habka xisbiyada badan, oo nasiib daro ka maqan meelo badan oo Gobolka iyo Qaaradda Afrika ah.

Mr. Doughty oo si weyn u taageera qadiyadda madax-bannaanida Somaliland ayaa ku amaanay waxqabadka Xukuumadda, waxaanu yidhi,

“Waan ku amaanayaa Xukuumadda Somaliland dedaallada waxqabadka horumarineed ay muujisay sannadahii  la soo dhaafay iyo dhowaanba iyo ballanqaadka qurba-jooga kaga qeybqaadanayaan taageero dhaqaale iyo siyaasadeed horumarka Waddankooda.”

Mr. Doughty ayaa ka codsaday Xukuumadda Ingiriiska ogaanshaha mowqifka beesha caalamku ku taageeri karto diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo qabsoomidda doorashooyinka Madaxweynaha iyo baarlamaanka iyo qaabkii ay joobjoog uga noqon lahaayeen, una hubin lahaayeen inay hirgalaan?

Sidoo kale Xildhibaan Fabian Hamilton oo doodda ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ka muujisay horumar la taaban karo dhinacyada Ganacsiga, Maalgashiga, isla-markaana dedaalo badan ka muuqdaan.

Mr. Hamilton oo Guddoomiye u ah guddiga gargaarka Caalamiga ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland dib loo dhigay, balse, taasi aanay muujinayn tallaabo werwer keenta, waxaanu yidhi, “Doorashooyinka hore dib loogu dhigay, maaha inay werwer innagu abuurto, Somaliland way aqbashaa doonista Shacabku ku muujiyo codeynta sanaaduuqda, xitaa haddii natiijada lagu kala helo codad kooban.

Dhinaca kale, Mr. Hugo Swire, Wasiir-u-dawlaha Arrimaha Dibedda iyo Waddamada Barwaaqo-sooranka ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo su’aalo laga weydiiyey arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Somaliland.

Mr. Swire ayaa ku gaabsaday, “Waxaan ugu soo jawaabi doonaa xildhibaanka qoraal.”

Dooddii Shalay ee baarlamaanka Ingiriiska ayaa ahayd mid si weyn looga dareemay horumarka shacabka iyo Xukuumadda Somaliland ku talaabsadeen iyo kaalinta taageero ee beesha caalamka looga baahan yahay inay la garab-istaagaan.

COMMENTS
LINKS