|
|||||
WAJAALE NEWS
Astaamaha Lagu Dooran karo Hogaan fiican.
January 25, 2016 - Written by Editor:HOGAAN FIICAN DOORO SI AAD HORUMAR U GAADHO BISMILAAI RAXMAANU RAXIIM. Dadka kii wax tari kara Iyo kii danayste ah taariikhdu way qori oo mahadhooyinkuu gali……… Culimmada ku xeelka dheer aqoonta la taqacaluqda hoggaaminta iyo hagidda qofeed, Qoysed iyo mid Qaranba waxay xaqiijiyeen ahmiyadda ay leedahay in la helo hoggaamiye toosan iyo waliba kaalinta ay ku leedahay hoggaamintu dhismaha iyo horumarka bulshooyinka kala geddisan ee aduun-waynaha ku nool, waxa la xaqiijiyey oo hubaal ah Inuu Hoggaamiyuhu saldhig u yahay horumarka, isku-duubnida, wadajirka, degganaanshaha, gaadhida ujeeddooyin ku-dhisan himillo toosan iyo gudashada hawlaha ay hour-socod ku noqon karaan. Hawlaha hor-yaal ee laga rabo inuu guto Hoggaamiyaha fiican iyo talaabooyinka uu ku hir-galin karo qorshayaashiisa horumarineed hadba waxay ku xidhan tahay arimaha dhaqan-dhaqaale iyo waddada siyaasadeed ee ay ku taagan tahay bulshada uu rabbo inuu hoggaan u noqdo waayo waxaa hogaanka laftiisa hagaaya dabeecaadka iyo caadooyinka lama taabtaanka u ah ummada uu hormuudka u noqonaayo. Sidoo kale hawlaha uu hoggaamiyuhu la rabbo inii qabto waxaa lagu tilmaamaa inay isugu jiraan dejin qorshe siyaasadeed oo ku salaysan mid arimo dabadeed iyo ta arimaha gudahaba oo lagu astaameeyey cilmi xeel-dheer, midkooda dhaqan-dhaqaale oo aas-aas looga dhigo hadba illaha heerka noloshooda kor loogu qaadi karo waxay dhaxal u leeyihiinba oo khayraadkooda ah, u xaqsoorid dhexdooda ah,dardar galinta hawl-maalmeedkooda lagama maarmaanka ah iyo inuu waayeel ka ahaado qardaafooyinka ka soo gaadhaaya dabeecaadkooda kala gadisan. Marka si dhaba hoos loogu eego sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee lagu garto Hoggaamiyaha Wanaagsan ma fududa xadidaddoodu iyo in la soo kobo maxaa yeelay waxay badanaa ku xidhan yihiin hadba Mawqifyada soo waajaha hoggaamiyaha, nooca dadka uu rabbo inuu majaraha u qabto yacnii maamul ahaan iyo wadciga ay ku sugan yihiin guud ahaan bulshadiisu, waaqaca aan laga gudbi karin ee hor-yaal iyo waliba deegaan-bulshadeedka ku xeeran, Murtibaa ahayd ” Haddii uu nin geesiye raggu geed-adayg yahay haddaan garabka lala qaban guri oodi maayo” hoggaamiye kasta oo wanaagsanasi hadduusan taageero ka helin dadka iyo dawladda uu hoggaanka u hayo garab iyo gaashaana aanay u noqonin hadba cida ku xeeran hiil iyo hoona aan lala garab galin hal tallaabo hore uma qaadi karayo xilkiisana si fiican uma gudan karo xataa haddii uu awoodo kale maciinsado sida ay taariikhdu sheegayso waayo aragnimada nolosha soo taxnaydna laga dhaxlay. Haddaba waxaynu isku dayi doonaa inaynu soo qaadano dhawr qodob oo ay tahay in qofka wax doorayaa ka hubiyo kuna bardaamiyo hogaamiyaha uu talada u dhiibanayo iyo cida uu masiirkiisa ku aaminaayo: 4) Geesinimo iyo Go’aan qaadasho: Hogaanka mugga wayn lihi waa ka fuliya go’aamada uu rumaysnaa xiligii oo ololaha ugu jiray inuu majaraha qabto, isagoon ka baqanayn cid baa ku mucaariddi ama madaxtinimada aad haysato ayay cidhiidhi galiniyaa dadka kaa soo horjeeda, balse taas bedelkeeda waa inoo ku dhiiraddaa go’aan kasta oo soo wajaha iyo xaalad kasta ooo ka hor timaadaba.
10) Deeq waa inoo lahaado: ugu danbayn hogaamiyaha tolmoon waxa lagu tilmaansadaa inuu deeq leeyahay oo la martiyo karo dadkiisana waxtari karo markay xaaladaha adag ku jiraan sida abaaraha oo kale oo aanu hanta uruursi iyo bakhaylnimo ku caanbixin. Wax yaabaha aynu kor kusoo sheegnay way adag yihiin in laga wadda helo shakhsiyaadka hanka leh ee reer Somaliland iyo guud ahaanba Somilada laakiin waxa muhiim ah in badhkood laga helo qofka u hamuun qaba hogaanka dalka iyo dadkaba, oo aan lagu dagmin kanaa ku xiga iyo kanaad dan gaara ka helaysaa, waxaan ku talin lahaa in danta iyo horumarka qaranka meel looga soo wadda jeesto ee layska jiro dabinada kala qoqobka iyo qabyaalada ku dhisan ee ay Siyaasiyiinteenu maleegayaan. Dantu wada jir guudbay Dayac kaga fogaataa……. Wabilaahi tawfiiq. Qalinkii: Maxamuud Axmed Xirsi (figo) Contact: 063-4447924 Email: mfigo04@gmail.com Facebook: Mahamuud Ahmed
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|