|
|||||
WAJAALE NEWS
Xoghayihii Siyaasada Arimaha Dibada Ee Xisbiga Wadani Oo Is Casiley.
December 13, 2015 - Written by Editor:Ujeedo. Xil Ka tegid Ku Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdirahman Maxamed Cabdullahi Ku Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani ee heer qaran Ku Dhamaan Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Ku Wargeysyada Maxaliga ah ee Somaliland Gudoomiye Waxaan kula socodsiinayaa in aan iska casilay xilkii Xoghaya Siyaasada Xisbiga Waddani, Xubinimadii golaha dhexe iyo fulintaba, aniga oo aan jeclayn in aan dhaawaco himiladaada iyo hadafkaaga siyaasadeed waxaan kula socodsiinayaa in aad u magcaabato xubin kuu buuxisa xilka Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Waddani , Waxaan kaaga mahad celinayaa wadashaqeyntii mudadii koobnayd , waxaan kaloo u mahad celinayaa dhamaan walaalihii iyo asxaabtii aanu is baranay mudadii aan ka tirsanaa xisbiga waddani, waan ogahay in badan oo idinka mid ahi aa dhibsanaysaan xil ka tegidan, laakiin waxa timi daruuf keentay in aan xilkan baneeyo. Runtii waa go,aan aad u adag laakiin waxay xal u noqonaysaa arin mudo taagnaa oo dhinacna u dhici waayey. Waxaan Waddani iyo asxaabtaba u rajeynayaa guul . Waxaan kaloo sii wadan doonaa shaqadeydii in aan qaranka reer Somaliland usii shaqeeyo inta suxulkaygu ciid ka sareeyo.
Xoghayihii Hore ee Xisbiga Waddani Mudane Maxamuud Raage Ibrahim
Related posts:Madaxweynaha Jsl Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Muwaadin Hindisay Astaanta Qaranka Somaliland O... Roobab Xoogan Oo Ka Da,ay Magaalada Gabiley Iyo Halista Biyo Xoogan Oo Kusoo Rogmaday Dooxa Afaafka ... DAAWO; Garabka Isbahaysiga Kulmiye Ee Dalka UK Oo Dhaliilihii Ugu Cuslaa Usoo Jeediyay Xukuumada Ma... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|