|
|||||
WAJAALE NEWS
Wiil Uu Dhalay Muj Xasan Yoonis Habane Oo Sanad Iyo Badh Ku Xidhan Jeelka Hargeysa, Duruufaha Ku Gadaaman Iyo Codsi Uu Sigaar Ah Ugu Diray Madaxweyne Siilaanyo.
December 19, 2015 - Written by Editor:“Labada Lugoodba Waan Ka Jabanahay,Sariirta Kama Kici Karo Waxaan Ka Codsanayaa Madaxweyne Siilaanyo Iyo Cidkasta Oo Aabbay Ay Saaxiibo Ahaayeen…. ”Maxamed Xasan Yoonis Habane. “jidh dil ayaa la iigu gaystay Saldhiga Dhexe ee Hargeysa ka hor intaan jeelka la igayn,waxaa I dilay oo ciidan ii dalbaday Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Hargeysa Maxamed Case,budh iyo waayar ayuu illa dhacay”M,YOONIS Hargeysa(Wajaalenews) – Wiil uu dhalay Alle Ha unaxariistee Mujaahid Xasan Yoonis Habane oo lagu magacaabo Maxamed Xassan Yoonis Habane ayaa mudo sanad iyo badh ah ku jira jeelka weyn ee Hargeysa,waxa uu ka cawday qaabka loo xidhay iyo xukun uu sheegay inay Maxkamadi ku riday,waxaana uu Madaxweynaha,Goleyaasha Baarlamaanka,Salaadiinta Somaliland,Ururada Xuquuqul Insaanka,Axsaabta Mucaaridka iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ka codsaday in arintiisa hoos loo eego oo Xoriyadiisa loo soo celiyo. Warqad Furan oo Maxamed Xasan Yoonis soo gaadhsiiyay Xafiiska Wargeyska Foore ayaa waxa uu si gaar ah ugu faah faahiyay Duruufaha qalafsan ee la soo darsay,Mudada uu xidhan yahay,Arinta loo xidhay, waxaanu Qoraalkiisa ku bilaabay sidan “Waan xidhanahay,waxaan ku jiraa Jeelka Weyn,saddex sannadood ayaa la igu xukumay,sheeko been abuur ah oo madaxweynaha la iiga geeyay ayaa la igu xidhay,waxa la igu eedeeyay inaan waraaqo been abuur ah ka sameeyay Madaxweynaha oo ku saabsan Mashruuc wadanka ka socda,lacag sideed kun gaadhaysa ayaa la igu eedeeyay,oo Waddada ceerigaabo lahayd, inaan cunay,waa Arin aan jirin oo aan iga suurtoobin”. Waxa kale oo uu ku yidhi Qoraalkiisan“Labada lugood ayaan ka jabanahay oo waxaan ka soo dhacay kaabad Jeelka ku dhex taala,gaar ahaan labada cidhbood,Waxaan Ahay Curyaan oo sarriirta kama kici karo,Suuliga ma aadi karo,waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay Aabbahay Xasan Yoonis Aad u Saaxiib ahaayeen inuu iga siidaayo jeelka,waxaan xidhanahay sanad iyo badh,waxaan sidoo kale Codsi u dirayaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,Suldaanka Guud ee Beelaha Subeyr Awal,Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan,Suldaankayga Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdi,Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,Hay’addaha Xuquuqul insaanka Somaliland,Iyo Cidkasta oo igaranaysan ama taqaanay Aabbahay inay Arintayda baadhaan oo Xirriyadayda la ii soo celiyo”. Waxa uu cabasho ka muujiyay Jidh dil uu sheegay in loogu gaystay saldhiga ka hor intaan Jeelka la gayn waxaanu yidhi“jidh dil ayaa la iigu gaystay Saldhiga Dhexe ee Hargeysa ka hor intaan jeelka la igayn,waxaa I dilay oo ciidan ii dalbaday Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Hargeysa Maxamed Case,budh iyo waayar ayuu illa dhacay,waxaan la ildaranahay dhibaatooyinkaasi markaa waxaan ka codsanayaa cid kasta oo Magacii Aabbahay igu tixigalinaysa inay arintayda hoos u eegaan”. Wiilkan ayaa waxa dhalay Mujaahid Magac iyo maamuus ku lahaa Halgankii Dalkan lagu xoreeyay ee SNM iyo Guud ahaan Somaliland,Waxa uu wiilkani imika ka tirsan yahay Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland. Ma jiraan warar madax bannaan oo Wargeysa Foore u xaqiijiyay sababta uu u xidhan yahay balse waa sida uu noo sheegay ee uu ku qoray warqada uu noosoo gudbiyay. XIGASHO WARGAYSKA FOORE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|