“Waxa Jira Dalal Muwaaddiniintooda Uga Diga Tegitaanka Somaliland, Oo Ay Haddana ka Ammaan Wanaagsan Tahay, Waana Xaqiraad…” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxa Jira Dalal Muwaaddiniintooda Uga Diga Tegitaanka Somaliland, Oo Ay Haddana ka Ammaan Wanaagsan Tahay, Waana Xaqiraad…”
December 9, 2015 - Written by Editor:

Dalxiise dalalka Caalamka isaga dab-qaada oo ka warramay Waxyaabo Somaliland ka jira oo aan inta badan waddamada Dunida ka jirin

“Ma arkin intaan socdaallada waddamada Adduunka marayey goob la taariikh ah Laas-geel, laakiin kuma jirto Diiwaanka, aqoonsi la’aanta Somaliland awgeed, waana fadeexad dul saaran UNESCO…” Mr. Shene Dallas

Hargeysa (W,N) “Waxa ugu horreeya eed ogaanaysid markaad Somaliland tegtid waa inay ka duwan tahay Soomaaliya, haddaad ku dhawaaqdid Soomaaliyana, bulshada joogtaa markiiba dareenkoodu wuu isbeddelayaa. Waa dal si weyn u furfuran, waana dalka ugu ammaanka badan marka laga reebo waddamadda Barriga dhexe, sida Dubai ama Dooxa. Waxaad ku arkaysa waddooyinka Hargeysa lacago lagu sido kaaryoonayaal, aanay jirin cid taabanaysa ama looga cabsi qabo, ama Haween iibinaya Dahab oo cabsi la’aan u wata Ganacsigooda.” Sidaa waxa yidhi Nin lagu magacaabo Shane Dallas oo dhawaan Safar Dalxiis ah ku yimi Somaliland, isla markaana meelo kala duwan oo dalka ka mid ah arkay.

Mr. Shene Dallas, ayaa sheegay in Somaliland ka nabadgelyo wanaagsan tahay waddammo badan oo Muwaaddiniintooda uga diga inaanay socdaal ku tegin, hase-yeeshee, waxa uu ku tilmaamay digniinahaas kuwo lagu duudsiyayo Xuquuqda Aqoonsi iyo Sumcadda ay u qalmaan dalka Somaliland iyo Dadkiisu.

DALXIISE

Ninkan oo ah Dalxiise waddamadda caalamka mara, isla markaana sheegay inuu markii saddexaad dhawaan dalka Somaliland socdaal ku yimi, ayaa wareysi Idaacad dalka Kanada ku taal uu siiyey ku sheegay in taariikhda taalla Somaliland ku yar tahay in laga helo caalamka.

Mar la weydiiyey Dallas inuu sharraxaad ka bixiyo waxa uu ku arkay booqashada uu Somaliland ku yimi iyo kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; “Waxa ugu horreeya eed ogaanaysid markaad Somaliland tegtid waa inay ka duwan tahay Soomaaliya, haddaad ku dhawaaqdid Soomaaliyana, bulshada joogtaa markiiba dareenkoodu wuu isbeddelayaa. Waa dal si weyn u furfuran, waana dalka ugu ammaanka badan marka laga reebo waddamadda Barriga dhexe, sida Dubai ama Dooxa. Waxaad ku arkaysa waddooyinka Hargeysa lacago lagu sido kaaryoonayaal, aanay jirin cid taabanaysa ama looga cabsi qabo, ama Haween iibinaya Dahab oo cabsi la’aan u wata Ganacsigooda. Waxa jira wadammo muwaadiniintooda uga diga tegitaankeeda amaanka awgeed, balse xaqiiqadu tahay in Somaliland ka amaan wanaagsan tahay wadamada xaqira xasiloonida ka jirta.”

“Itoobiya waa dalka keliya ee qaab waddan la aqoonsan yahay ula dhaqma, sidoo kale xilliyo aan fogeyn dalka Imaaraadka ayaa la sheegay inay Muwaaddiniinta Somaliland ka aqbaleen inay Baasabboorkeeda ku tagaan dalkooda, maaddaama aanay isticmaalin ka Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Shene Dallas.

 

Sidoo kale, Shene oo la weydiiyey maaddaama oo ay Somaliland tahay dal madax-bannaan, balse aan haysan aqoonsi caalami ah sida Taiwan ama kuwo kale, ma dal madax-bannaan ayaad ku qiimaynaysaa, waxa uu ku jawaabay; “Haa! Xaqiiqadii. Waxaana taa ka Markhaati kacaya markaad booqatid goobaha sida Laas-geel, oo uu ku yaallo muuqaalka Taariikh ay naadir tahay inaad ku aragtid Adduunka meel kale. Mar aan booqday Liibiya muuqaal loo calaamadisay oo goob taariikheed ah, waxa boqollaal jeer ka wanaagsan Laas-geel. Laakiin, nasiib-darro weli UNESCO ma aqoonsan, maxaa-yeelay dadka gudbin lahaa codsigeedu waa Xukuumadda Soomaaliya, iyaguna diyaar uma aha.”

“Ma arkin intaan socdaallada waddamada Adduunka marayey goob la taariikh ah Laas-geel, laakiin kuma jirto Diiwaanka, aqoonsi la’aanta Somaliland awgeed, waana fadeexad dul saaran UNESCO. Haddaad ii weydiisay immisa waddan ayaad booqasho ku tagtay, dhab ahaan Somaliland waxay ka mid tahay waddamadda aan booqashada ku tegay, inkastoo aanay aqoonsi haysan midka ugu habboon.” Sidaa ayuu yidhi Shene Dallas oo ah.

 

XIGAHSO; HIMILOMEDIA

COMMENTS
LINKS