Wasiirka Hawlaha Guud Oo Soo Kormeeray Daamur Qubtay Oo Khasaaray,Mareeyahana Ku Amray In Dhakhso Qorshe Loogu Dajiyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Hawlaha Guud Oo Soo Kormeeray Daamur Qubtay Oo Khasaaray,Mareeyahana Ku Amray In Dhakhso Qorshe Loogu Dajiyo.
December 10, 2015 - Written by Wariye:

Ceerigaabo(Wajaalenews):-Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud Gadiidka iyo Guryaynta Somaliland ee Hogaaminayay Waftiga Heer Qaranka Ah ee u kuur Galayay Habsami u Socodka Wadada Ceerigaabo,Kana Koobnaa Gudida Dhismaha Wadada,Xildhibaano iyo Mareeyaha Wadooyinka Somaliland ayaa maanta Kormeer ku soo maray Dhismaha Wadada oo Si xawli Ah u socda.

Waftigani waxa ay kormereen Dhawr Deegaan oo uu yaalo Daamurka lagu dhisayo wadada oo dayacnaan Badani ka Muuqday,halka Qaarkoodna uu daatay Markii cadeed badani ku dhacday, waxaana uu wasiirku ku amray Mareeyaha in Sida ugu dhakhsa Badan looga hawl galo loona daryeelo Daamurkan oo muhiimada badan ugu fadhiya dhismaha wadada ceerigaabo.

Mareeyaha Wadooyinka ayaa sheegay in loo baahan yahay in daamurka loo sameeyo meelo cad-ceedan badan eek u dhacday laga hoos,madaama oo markii hore ee la-dhigayay masuuliyiinta hawsha waday aanay qorshe fiican ama balayn ku saabsan hadba baahida wadada lagu qorshaynin.

Daamurka daatay oo Yaala Deegaanka Gar Adag ayaa mareeyuhu cadeeyay in sida ugu dhakhsa badan amar loogu hagaajin Doono,dayac iyo Sida uu u Daatayna aanu mardanbe u daadan doonin.

“qorshahayagu waxa uu ahaa in Kiilo Mitir Kasta uu Qaato 160 Foosto oo Daamur ah ayaanu ugu talo galnay,markaas intan noo soo hadhana aanu haysano,lakiin dhibaatada ka timid waxa weeyaan haysashadu way fiican tahay,lakiin dhaqaalaha ku baxayaa waa badan yahay khasaaraha soo gaadhayna waad arkaysaan sida uu u daatay,meel walba waxa uu u baahan yahay ilaalin,waashmaano ayaa nagu socda kirooyin Badan ayaa Nagu Socota.

Intaas waxa uu ku daray mareeyahu isagu tilmaamay in loo baahan yahay in talo dib la iskugu noqdo,lagana gudbo sidii hore ee loo qorsheeyay,lana raaco qorshaha wasiir cali mareexaan u dhigi doono si daryeel fiican ay u helaan daamurku,lagana duulayo dhamaystirka iyo hirgalinta wadada ceerigaabo.

“waxa loo baahan yahay wasiir in tallo dib la iskugu noqdo iyada oo laga duulayo sidii loo ilaalin lahaa loona daryeeli lahaa daamurka ay cad-ceedu ku dhacday dabadeena ciida galay,waxaanu diyaar u nahay in hawshaas qorshaheeda aynu galno,inagama go’aan daamur cidla inta la iska dhigay cad-ceeduna ku dhacdo,dabadeed isna iska daata.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Gadiidka iyo Guryaynta Somaliland ayaa sheegay in loo baahan yahay in Qorshe loo sameeyo sidii uu khasaaraha aan laga fiirsanin hada uga yimid aanu mar danbe ugu Imanin Daamurka oo Badhkood Daatay ayaa waxa uu yidhi.

“ilaa shalay waxaanu dhex lugaynayn Kaamam uu yaalo daamurku oo khasaare laxaadleh ka Muuqdo,markaas 53kaas kun ee daamurka loogu tallo galay wadada intaas hadhay in sifiican loodaryeelo ayaa waajib ah,sidaas mareeyuhu noosheegay xogaa dheeraad ah oo loogu tallo galay daamurka Iyana waa ku jirtaa kharash laxaadlehna waa lagaliyay waana waxqabad muuqda.

intaas waxa uu raaciyay isaga oo hadalkiisa siiwata wasiirka wasaarada hawlaha guud Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan waxaana uu yidhi.”wax kasta oo ladoonayo in laqbtaa qorshe ayay u baahan yihiin,aniga waxa ii muuqda wadadii oo aad u dheer,daamurka halkan yalaa waxa uu u baahan yahay inla ilaaliyo oo waliba qorshahiisa dib loogu noqdo oonu waliba dayacmin,halkan haay’adda waddooyinka waxaan ka farayaa in xil wayn ay iska saraan ilaalintiisa iyo sidii meelo hadh ah loogu samayn lahaa.

Daamurka Wadada Ceerigaabo loogu tallo galay in Dhismaheeda lagu dhiso ayaa ladhigay kaamam bacad ah oon markii hore qorsha lagu darsan inuu daadanayo,halkaas uu kai man karo khasaare kale,balse wasiir Cali Mareexaan waxa uu mareeyaha Waddooyinka ku amray in dhakhso looga hawlo galo si aanu daamurku mardanbe dayacnaani ugu imanin.

Cali Mareexaan wasiirka hawlaha guud ayaa dhexda u xidhay sidii u dhamaystiri lahaa dhismaha wadada ceerigaabo oo mucaaradku intooda badani ku sheegayee olole ama afka baarkiisa,balse wasiirka ayaa dardar galiyay iyada oo hada ilaa ceerigaabo iyo burco inta u dhaxaysa shaqo aad u culusi ay ka socdaan.

 

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye: Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS