Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Dalka Dib Ugu soo Laabtay Kana Hadlay Socdaal Uu Ugu Maqnaa Dalalka Ethiopia Iyo Kenya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Dalka Dib Ugu soo Laabtay Kana Hadlay Socdaal Uu Ugu Maqnaa Dalalka Ethiopia Iyo Kenya.
December 20, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiirka oo Galabta Kasoo Degay Madaaarka Egal International ee Caasimada Hargaysa oo warbaahinta Kula Hadlay Qaybta Nasashada ee Madaarkaasi ee VIP-da ayaa ka xog waramay ujeedada safarkiisa Shaqo Iyo Waxyaalaha uga soo qabsoomay. Wasiir Cali Maxamed Waran-Cadde oo arimahaasi ka warbixinaayana waxaa hadala uu ku bilaabay sidan:-  “Safarkayada Kan waxaanu uugu baxnay dalka Ehtiopia iyo Kenya oo aanu kaga Qayb Galnay Shirar Dhawra Kuwaasoo aanu runtii Natiijo wanaagsan Kala Kulanay .

w1(62).jpg

Ethiopia waxaan kala kulanay wasiiro iyo hay’adaha nabad galyada oo runtii aanu ku wada hadal meeqaam dalkaasi noo dhexeeya iyo ilaaqaadka fiican waxaanu kala hadalay sida loo fududaynayo isku socodka labada dal iyo bulshada labada dawladood, waxaanu kala hadalnay arimaha nabad galyada oo runtii aanu aad iskaga kaashano.

Waxaanu U Gudubnay Dalka Kenya oo isna aanu shir kaga qayb galnay nabad galyada ah oo qaarkood aan loo baahnayn inaanu halkan ka sheegno oo aan wakhtigoodi bislaanin . Waxaan runtii aad iyo aad aan jeclahay inaan halkan uuga sheego wadankan iyo dalkan reer Somaliland caalamku siday u arkayaan debadaha in laynoo arkayo umad ku caanbaxday nabadgalyo iyo horumar dalwanaagsan iyo nidaam maamul oo runtii aad iyo aad u sareeya . waxaa runtii laynagu majeeranayaa sidaa aynu dawlad iyo shacabba u hananay dalkan hogaamintiisa’ xasiloonidiisa iyo nabadgalyadiisa .

Waxaa Kale oo runtii Xusid mudan waxyaabaha runtii caalamku la dhacsanyahay ee laynagu majeerto ama laynagu maamuusayo waxaa kamida dhaqan aanay afrika lahayn horana aanay u lahaan jirin oo ah inaynu sidayno madaxdeena qarankuna jideeyeen khaas ahaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo inaanaynu ahayn dad ku sifooba ama madaxdeenu ahayn dadku sifoobay kursi jacayl iyo inay xukunka u qabtaan hunguri inay waxka helaan laakiin muuqatay inay u qabtaan xukunka inuu waxtaro dadkiisa iyo dalkiisaba taasina waxay keentay in runtii aad naloo weydiiyo oo la majeerto runtiina ay noqotay duruus Qiimo Leh oo madaxweynaha dalkani u dhigay madaxda ka danbaysa mustaqbalka’ jiilka cusub iyo afrikaba. Inaanu masuulku u iman kursi jacayl iyo inaanu ku negaanin muddo dheer laakiin uu u fikiri karo qofku mudada loo baahanyahay inuu ku maamuusi karo inuu ka tanaasuli hadii ay dhamaato”.

COMMENTS
LINKS