Wasiir Zamzam Iyo Xusuusta Bulshada Deg.Togwajale Waxay Ku Suntanaan Doontaa Quluubta Jiilasha Dambe.
December 10, 2015 - Written by Wariye:
Waa narkii ugu horeysay taariikhda abid ee deegaanada ku xeeran Degmada Togwajale ay yeeshaan gaadhi dhooliya ama ambullance,
Bulshada Deegaanka Ballaadhan degan ayaa waxay dhibi ka haysatay
Xaaladaha Emergenciga ee la xidhiidha dhinaca Hooyooyinka la tacaalaya foosha aan caadiga ahayn
Taasi oo keeni jirtay inta badan in hooyada iyo ilmuhuba u geeriyoodaan marka ay waayaan gargaar caafimaad oo
ku haboon,
Taasina waxa sobob u ahaa inta badan hooyada oo ka durugsan Goobaha caafimaadka iyo goobaha laftooda oo aan lagayn Gaadiidka Gurnadka Degdega ah,
Hadaba Baagida Gaadhigan ayaa ahayd mid waligeedba ka jirtay deegaanadan Xukuumadihii Dalka soo marayna Cabashada adeegani wuu horyaalay markastaba laakiin wax jawaab ah lagama helin habayaraatee,
Nasiib wanaag Markii ugu horaysay ee baahida adeegan loo gudbiyey Marwo Zazam waxay kaga soo Jawaabtay Muddo kooban oo aan ka badnayn Saddex bilood Gudohood.
Talaabada labaad ee lagu Xasuusan doono Wasiir Zamzam Waxa ka mid ah Grounka Kubada Cagta ee Degmada Tigwajaale oo dhulka uu ku yaalo ay ka jirtay xaalad adag oo la xidhiidhay Dhulboob taasi oo haddii aanay zamzam si dhakhso ah u dhagax dhigin aan dib loo arkeen .
Waxqabadka Zamzam lagu Xasuusan doonaa intaasi oo kaliya iyo Deegaankan oo qudha maaha balse Somaliland meelkasta oo cabasho ka timaado ee Jawaab degdega ayey ka Bixisaa hadba Wasaaradda ay joogto waxana aan ku tilmaami karnaa Shaqsiyad Koobsatay Karti Aqoon iyo Daacadnimo iyo Wadaniyadba
Waxana ay Muddan Tahay ku dayasho
Wabillaahu Towfiiq
By Mustafa Sh Abibakar Hussen Togwajale Tell 4466752