Wasiir Cali Mareexaan Oo Durba La Dhex Qaaday Qabyaalad Shaqaalaha Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Oo Uu U Magacaabay Nin Ay Isku Qoys Yihiin Oo Aan kamid Ahayn Shaqaalaha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Cali Mareexaan Oo Durba La Dhex Qaaday Qabyaalad Shaqaalaha Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Oo Uu U Magacaabay Nin Ay Isku Qoys Yihiin Oo Aan kamid Ahayn Shaqaalaha.
December 14, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiiirka Cusub ee wasaarada hawlaha guud Cali Mareexaan oo hore uga mid ahaa golaha wakiilada somaliland balse imika ah wasiirka hawlaha guud ayaa durba la dhexqaaday Wasaaradiisa qabyaaladii lagu xaman jiray isaga oo agaasimaha maamulka iyo lacagta u magacaabay nin ay Isku  Qoys yihiin oo aan ku jirin shaqaalaha dawlada  isagoo wasiirku dusha kaga keenay wasaarada,

xil. cali mareexan

Sidoo kale wararka aanu ka helayno ayaa tibaaxay in uu saxeexii  ka joojiyay Agaasimaha Guud Ee wasaaradaas taas oo todobaadkii u danbeeyay keentay khilaaf huursan oo soo kala dhex galay wasiirka iyo Agaasimaha Guud  balse aan wali dibada usoo bixin sida ay tibaaxayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka agdhaw wasaaradaas.

Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan oo hore uga mid ahaa xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa ahaa xildhibaanada u xagliya xukuumada madaxweyne Silaanyo  inta badana abaabula afcaasha xukuumadu ku  burin jirtay mooshinada golaha ee ku lidka ah rabitaanka xukuumada isaga oo u qaabilsanaa dhinaca dhaameelka ama laaluushka xildhibaanada waxaana caan uu ku ahaa guulwadaynta madxweyne Siilaanyo taasi oo uu ku noqday ninka kaliya ee ay siilaanyo isugu dhawyihiin dhinaca beeshiisa.

Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland oo kamid ah wasaaradaha aan shishlayn ayaa dhawaan digreeto madaxweyne siilaanyo ku hoos geeyay wakaalada naasnuujinta noqotay ee  wadooyinka oo hore uga mid ahaan jirtay wasaarada madaxtooyada taas oo ka cadhaysiisay wasiirka madaxtooyada Maxamuud xaashi Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee Waxaa laga war sugidoonaa halka uu ku danbeeyo khilafka iyo cunfiga qabiilka ee uu wasiir cali mareexaan   ka dhex istaadhay wasaarada hawlaha guud oo ah wasaarad ay soo mareen wasiiro ka badaxbanaanaa aafada qabiilka taasi intii ay joogeen aanu ka dhex dhicin wax khilaaf ahi.

KALA SOCO WIXII KASOO KORDHA ARINTA KHILAAFKA WASAARADA HAWLAHA GUUD IYO MAGACA MASUULKA CUSUB EE WASIIR U IGMADAY AGAASIMAHA MAAMULKA IYO LACAGTA.

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS