|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland oo ka Hadashay Kitaab lagu Eedeeyey inay Masaajiddada Dalka Ka Mabnuucday
December 26, 2015 - Written by Editor:Waa Maxay Kitaabka la sheegay in Akhriskiisa laga mabnuucay Masaajiddada dalka? Maxay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu ka tidhi Hanjabaado iyo Eedaymo ka soo yeedhay Al-Shabaab? Hargeysa,(Wajaalenews)- Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland, ayaa ka hadashay Kitaab la sheegay in Akhriskiisa laga mabnuucay Masaajiddada magaalooyinka dalka, kaasoo ay sheegtay inaan waxba ka jirin. Nin u hadlay kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Fu’aad Muxamed Khalaf, ayaa 19 bishan sheegay in Xukuumadda Somaliland ka mamnuucay in dhalinyarada da’dooda ka yar tahay 20 sano Gabdho iyo Wiilal-ba aanay Akhrisan karin Kitaabka Caqiidada ee Al-walaa Wal-baraa. Hase-yeeshee, Xogo Wargeyska Himilo ka helay ilo-wareedyo ku dhadhaw Wasaaradda Diinta & Awqaafta Somaliland, ayaa u xaqiijiyey in Wasiirka Wasaaraddaas Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed beeniyey in Xukuumaddu ka mamnuucday Masaajiddada dalka in laga akhriyo Kitaabka Al-Walaa Wal-baraa. Sidoo kale, Xogahan Wargeyska Himilo helay, ayaa sheegay in Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed gaashaanka ku dhuftay jawaab uu ka bixiyo eedo dhawaan kooxda argaggixisada ah ee Al-Shabaab u soo jeediyeen Jamhuuriyadda Somaliland, si aan loogu qaadan koox ay aqoonsan yihiin, hadday u jawaabaan. Xogahan Wasiirka Diinta Sheekh Khaliil, ayaa xaqiijiyey inaannay jirin gebi ahaanba Kitaab laga mamnuucay in laga akhriyo Masaajiddada dalka, isla markaana caddeeyey mawqifka Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Diinta & Aw-qaaftu ka taagan tahay Kooxda argaggixisada Al-Shabaab.
XIGASHO WARGAYSKA HIMILO Related posts:Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland Oo Digniino Culus Soo Saaray, Shaaciyayna In Aanay Imt... "Haddii Shalay la Il-duufay Taladii Sool. Waar Hooy, Maanta Yaan La il-duufin Talada Awdal Iyo Selel... DAAWO; Dagaal Ooge Cali Khaliif Oo ku Baaqey Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Badaxbaanineeda Somali... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|