Wargays Ka Soo Baxa Dalka Imaaradka Carabta oo Waxka Qoray Lacag Somaliland Leedahay Oo Lagu Xayiray BAAN Ku Yaala Imaaradka Carabta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wargays Ka Soo Baxa Dalka Imaaradka Carabta oo Waxka Qoray Lacag Somaliland Leedahay Oo Lagu Xayiray BAAN Ku Yaala Imaaradka Carabta.
December 25, 2015 - Written by Editor:

Sida uu soo wariyay muj cali Xaraaro oo kamida dadka wax ka qora siyaasada xukuumada siilaanyo ayaa soo bandhigay qoraal uu uu daabacay Wargeys la yidhaahdo (Al iqtisaad) Oo ka soo baxa isu taga imaaraad Ka carabt ayaan horaantii bishan Qorey lacag ay qabteen hay”adaha Dabal galka dhaqaalaha Argagixisada, sida wargeysku Sheegey lacagta oo dhamayd (33,Milyan oo doolar) waxa lahaa Qoyska Axmed Siilaanyo waana Loo siidaayey markii la ogaadey

Inaanay lacagtu ku socon Argagixiso, hase yeeshee Wargeysku wuxuu si qoto dheer

Uuga hadlay dalka JSL oo ah dal Yar oo faqiira dadkiisuna ay dirqi Ku nool yihiin isla markaana ay Jiraan qaar ka tirsan maamulka oo Malaayiin doolar sanad walba Dhigta baananka imaaraadka Carabta iyo meelo kale, wargeyska Oo faaladii sii wata ayaa yidhi in Kastoo aanay JSL aqoonsi ka helin

Bulshada caalamka hadana waxay Leeyihiin lacag u gaara oo aan ka Diiwaan gelin hay”adaha ku Shaqada leh lacagaha aduunka

Sida (Baanka aduunka iyo IMF) Sidaa daraadeed Axmed Siilaanyo

Iyo maamul kiisu hadba qiyaasta Lacageed ee uu rabo ayuu soo Samaystaa isla markaana u rogtaa

Doolar ka dibna dhigtaan debeda,

Wargeysku wuxuu ku soo geba Gebeeyey qoraalkiisa waa lagama

Maarmaan in dib loo eego JSL.

Waxaan Xasuustaa Anagoo Kukulanay Diyaarad Jiddah Ka kacaysa Kuna Socota Dahraan Abwaan-kii Xaaaji Gujis (A.H.N) , Ka Dib-na Diyaaradii Nala Dul-wareegaysatay Madaarka Dahraan Ayay Dadkii Wax dareemeen inay Diyaaradu ciladaysantahay , inyar ka dibna Nin ka mid ah shaqaalihii diyaarada Ciladi ku timid Dadkuna la soo baxaan Qalabka Diyaarada hoosteeda ku jirta oo ay xidhaan Si Allah ba Badan’e , Dadkiiba naxay oo dumar iyo caruurtii ayaa Ooyey oo xaalad adag ayaa la gallay , markay halkaas maraysay ayaa Allah ha u naxariistee abwaan xaaaji gujis igu yidhi ”””’ Waar Cali Yare Cidi Ma Ku Ogayd Inaad Diyaaradan La Socoto, Waxaan Ugu Jawaabay Maya Ee Cidi Imay Ogayn) , XAAJI GUJIS Allah Ha U Naxariistee oo isla yara hadlaya ayaa yidhi waar ana cidi imay ogaynee Waar yaa Dadkii Uun Inoo sheega Soconayee ….

WaxaanUga Socdaa la ina dhac Qaranimadii La Dhaawac, la ina Boob Si Walba Maamulka Axmed Siilaanyo Wuu Inoo Gallay Cidina Inama Oga

Qore” Cali Cismaan Libaax ( Mujaahid Cali Xaraaro)

COMMENTS
LINKS