Warbixin Daaha Ka Rogtay Khiyaamada Waxbarasho Ee Ka Jirta Iskuulada Gaarka Loo Leeyahay Iyo Sanad Dugsiyeedka Oo Ay fasax Yihiin Ardaydu 183 Cisho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Daaha Ka Rogtay Khiyaamada Waxbarasho Ee Ka Jirta Iskuulada Gaarka Loo Leeyahay Iyo Sanad Dugsiyeedka Oo Ay fasax Yihiin Ardaydu 183 Cisho.
December 29, 2015 - Written by Editor:

KAALINTA UU  NUURADIIN SCHOOL KAGA  JIRO  ? MAXAYSE DAWLADU CASHUUR UGA QAADI WAYDAY DUGSIYADA GAAR LOO LEEYAHAY,,

HARGAYSA(Wajaalenews) Waxbarashada Somaliland ayaa tobankan sano ee u danbeeyay isu badashay adeeg ganacsi oo ay maamulaan kuna shaqaystaan macaahida gaarka loo leeyahay taas oo  keentay in guud ahaanba faraha dawlada ay ka baxdo wax barashadu haday noqoto tayaynteeda iyo Dajinteeda manhajka waxbarashada Aasaasiga ah si loo helo wax barasho ay ku midaysan yihiin amaba kulmisa bahda wax barashada.

Waxa tiro beelay iskuulaadka gaarka loo leeyahay oo maalinba maalinta ka danbaysa sii xad dhaafaya iyada oo faras magaalaha magaalooyinka waawayn ee dalka ay buux dhaafiyeen boodhadhka iyo xayaysiisyada ay ku tartamayaan taas oo  gabi ahaanba meesha ka saartay meeqaamkii wax barasho ee dawliga ahaa iyo siyaasadii qaranka ee distoorku u  jideeeyay waxbarashada oo ahaa inay maamusho wasarada waxbarashadu si loo helo waxbarasho jaban oo tayo leh kana aflaxaan ubadku.

Bulsho waynta Somaliland ayaa ay culays badan  ku haysaa adeega wax barasho oo qaaliya iyo tayadooda oo hoosaysa Awgeed taas oo ay ka cabanayaan in fiiga ardayda la qaadaa Uu yahay mid aanay tahli karayn oo ka sareeya ka jaamacaha la qaado taas oo ay baylahdeeda leedahay wasaarada waxbarashadu oo aanay jirin wax door ah oo ay ku leedahay wasaaradu.

 hadaba si ay u ogaato shabakadan wararka ee wajaalenews baylahdan wax barasho ayaa waxa ay qaar kamid ah shaqaalaha ka hawlgala shabakadan wararka ee wajaalenews qaybteeda waxbarashadu ay sameyeen daraasad lagu ogaanayo baahida loo qabo in la helo waxbarasho dawli ah oo tayo leh kuna salaysan dhaqaalaha umada iyaga oo soo qaadatay qaar kamid ah iskuulada gaarka loo leeyahay ama aan dawliga ahayn ee ka hawlgala caasimada Somaliland ee Hargaysa oo malaayiin dolar soogalo sanadkii.

waxaanay daraasadani dibada soo dhigtay baylaho baahsan oo ku gadaaman waxbarashada soomaliland oo gacanta u gashay iskuulada gaarka loo leeyahay. daraasadan ayaa iftiimisay khiyaamooyin hor leh oo meel ka dhac ku ah waxbarashada Soomaliland taas oo ay kamid tahay in ardayda wax ka barata iskuulada aan dawliga ahayn ama gaarka loo leeyahay ay Ardaydu xaadiraan sanad dugsiyeedka 6 bilood oo kaliya halka ay fasax yihiin 6 da bilood ee kale.

 Daraasadan oo muhiimada siisay laba qodob oo kamid ah Qodobada curyaamiyay waxbarasha  oo u muuqda khiyaamooyinka  kajira goobaha waxbarashada ee gaarka looleeyahay  kuwaas oo kala ah dhinaca waqtiga ay ardaydu helaan wax barashadooda caadiga ah iyo fiiga oo ay cabashadoodu  aad u badan tahay ayaa tusaale u soo qaadatay  warbixintani schoolka Nooraadiin  Secondry and Intermidiate school oo kamid ah iskuulada aan dawliga ahayn ee ugu ardayda badan wadanka oo ay wax ka bartaan  arday kor u dhaafasa 21000 oo arday kaas oo ay warbixintan isbarbar dhigtay dakhliga kasoo xerooda iyo awooda waalidka maadama aan wax cashuura laga qaadin waxa aanay kor u dhaaftay 9 milyan sanadkii oo kasoo xerooda fiiga ardayda oo kala ah H/dhexe iyo sare, ardayda dugsiga sare ee nooradin ayay war bixintani xaqqiijisay in  laga qaado feega bishii 35$ ardaygii  oo ay  dhigtaan 5250 arday  halka ka dhexena laga qaado 25$ bishii  oo tiradooda guud dhan tahay  15750 arday taas oo dakhli kor u dhaafaya 577500$ uu soo galo bishii.

 iyada oo daraasadan lagu sheegay in ay dheer  tahay teeramkii 40 dolar oo buug ah iyo waliba 1 dolar oo examka ah sida ku cad shaxdan hoose.

time Tirada ardayda Tirada ardayda Feega ardayga bishii Total
 Feega bisha sare 5250 35$ 183750$
Feega bisha dhexe 15750 25$ 393750 $
Lacagta buugta teeramka 21000 $40 840000 $
Lacagta laga qaado imtixaanka                                   21000                              1$                                 21000$
                              TOTAL                                                                               1438500$

 

 Dhinaca kale Daraasadan ayaa la iftiimiyay in ay sanad dugsiyeed kasta ay ku jirta khiyaamo dhinaca waqtiga ah iyada oo la ogaaday in ardaydu soo xaadiraan 183 cisho sanad dugsiyeedka oo u dhiganta 6 bilood halka 182 cishana ay fasax yihiin oo ka dhigan 6 bilood sanadkii taasi oo dhabarjab wayn ku ah siyaasada qaranka ee ku wajahan waxbarashada.

Daraasadan ayaa u dhigtay sidan

 Fasaxa munaasibadaha ee sanadka. ………….11 cisho sanadkii

 Fasaxyada bisha ku jara …………………………….8*12= 96 cisho sanadkii

Fasaxa wayn……………………………………………..45 cisho

Fasaxa yar…………………………………………………30 cisho

Wadarta fasaxyada sanadka………………………182 cisho

waalidiinta ayaa laga shubaa sanad lacagtii iyada oo taasi ay dheer tahay lacago dheeri ah mayara duruufaha ku gadaaman waxbarashada dalka balse  dakhliga intaa leeg oo aanay wax cashuur ahi waajibin ayaa sitoosa ugu dhacda jeebka Ashkhaasta leh iskuulaadkaa oo anay cidi kala xisaabtamin xuquuqda macalinka oo kacanaya mushaharka lasiiyo iyo wax xaqa oo aanay ku lahayn iskuulka waxa intaa dheer duruusta uu ardaygu qaadnayo iyo lacagaha dheeraadka ah ee laga shubayo

warbixintan oo ay dhamaan iskaga mid yihiin  iskuuladan gaarka loo leeyahay ayaa kaliftay in tusaale loo qaato iskuul  kaliyaata.

Si kastaba ha ahaatee dheeliga waxbarasho ee ka jira wadanka ayaan wali loo helin wax maaro ah waloow ay wasaarada waxbarashadu balanqaadyo badan samaysay hadana wali culaysyada dhaqaale iyo tan tayeed ee waxbarashada kaga cabanayaan bulshadu waa ay tahli kari wayday taas oo hadii dawladu gaar ahaan wasaarada wax barashadu kasoo saari waydo siyaasad cad oo lagu wajahayo waxbarashadaas sidii faraha dawlada loogusoo celin lahaa.

 LASOCO QAYBAHA DANBE OO AAN KUSOO QAADAN DOONO ISKUULO KALE.

WAJAALENEWS DESK

WARIYE XASAN CALI AADAN

DIYAARIYE BARMAAMIJA WAXBARASHADA IYO DEEGAANKA.

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS