Warbixin, Bayaamisay kala Duwanaanshaha Siyaasadda Turkiga Ee Somaliland iyo Soomaaliya, Tirada Hay’adaha Turkiga Ee Kala jooga Iyo Caddaynta Qorshihiisa Midnimada Xuduudaha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin, Bayaamisay kala Duwanaanshaha Siyaasadda Turkiga Ee Somaliland iyo Soomaaliya, Tirada Hay’adaha Turkiga Ee Kala jooga Iyo Caddaynta Qorshihiisa Midnimada Xuduudaha.
December 6, 2015 - Written by Editor:

“Turkigu waxa uu Xushmaynayaa Midnimada Xuduudaha Soomaaliya, haddana Midaynta Somaliland iyo Soomaaliya, bilawga wada-xaajood waa muhiimadda koowaad ee mustaqbalka Soomaaliya…” Warbixin Hay’adda SETA ee Turkigu kaga hadashay Somaliland iyo Soomaaliya.

Hargeysa -(Wajaalenews)- Wabixin iftiiminaysay Siyaasadda rasmiga ah ee dalka Turkigu ka leeyahay arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa lagu caddeeyey in la Macaamilkooda Somaliland yahay daboolidda dareen ay ka qaataan qorshe-Siyaasadeedka Soomaaliya oo ah helitaanka iyo dhisitaanka dal midaysan.

Hay’adda SETA, oo daraasaadka Siyaasadaha, dhaqaalaha iyo ijtimaaciga qaabbilsan, fadhigeeduna yahay Caasimadda Ankara ee Turkigu soo saartay sannadkii hore, ayaa lagu sheegay in Siyaasadda Turkiga ee Soomaaliya tahay mid loo diyaariyey hadafka laga leeyahay, dhinacyo kala duwanna fulinteeda iska kaashanayaan, kana duwan, marka la barbardhigo Siyaasadaha uu waddamada kale ku dhaqmo.

Siyaasaddan ayaa lagu soo ururin karaa toddoba dhinac oo kala ah: Taakulaynta gargaar Bani’aadiminnimo, oo bilaabmay sannadkii 2011, markii Abaaraha baahsan saameeyeen Soomaaliya, Taageero horumarineed, oo koobsanaysay dhismaha kaabayaashii Soomaaliya, sida Cusbitaallo, garoomo, waddooyin iyo dhinacyo kale oo badan.

Dib-u-dhiska Hay’adaha dawladeed, oo Hay’adaha Xukuumadda iyo Hay’adaha gargaarka Turkigu wada-jir isaga kaashanayeen, ka qeybgalka dib-u-heshiisiinta gudaha iyo wadaxaajoodyada. U helitaanka taageero caalami, oo Shirkii u horreeyey waddamada Jaamacadda Carabta uu Turkigu, August, 2011 geeyey xaaladda Soomaaliya. Ka taageerida dib-u-dhiska Bulsho iyo soo kabashadeeda, kana mid ahayd Deeqaha Waxbarasho iyo dib-u-dhiska Ammaanka Soomaaliya.

Warbixinta SETA, ayaa lagu yidhi; “Turkigu waxa uu xushmaynayaa Midnimada Xuduudaha Soomaaliya, haddana, Midaynta Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya, bilawga wada-xaajood waa muhiimadda koowaad ee mustaqbalka Soomaaliya.”

Gaadhitaanka hadafkaas Turkigu waxay ku kordhiyeen qorshahooda deddaalo dhexdhexaadineed oo horseeday wada-xaajood dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland. Dhaleecayn badan ayaa kaga soo noqotay Turkiga in ubucda hawlgaladoodu noqoto Muqdisho, gaar ahaan hogaamiyeyaasha Somaliland, inkastoo hay’adda TIKA mashaariic ka fulisay, maskaxdii bulshada kama bixin, balse xafiis qunsuliyad Turkigu ku yeeshay Hargeysa, fikirkaa way yara debcisay.

Warbixintan oo lagu shaaciyey Hay’adaha Xukuumadda Turkiga ka socda iyo kuwa gargaarka oo nidaam isla-jaanqaadaya u fulinaya Mahsaariicaha, ayaa tiradooda lagu sheegay 26 ayey ka joogtaa Somaliland hal Hay’adood oo la yidhaahdo TIKA. Warbixintan oo dhammaystiran si taxane, ayaan akhristayaasha ugu soo gudbin doonaa maalmaha soo socda.

COMMENTS
LINKS