Warar Dheeraada;, Khasaaraha Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Alshabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Qaraxan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warar Dheeraada;, Khasaaraha Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Alshabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Qaraxan
December 19, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho (Wajaalenews)-Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo kalena  way ku dhaawacmeen qarax xoogan oo maanta duhurkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya.

Qarax_Muqdisho_ka_dhacay_

Wararka ka imanaya magaalada Muqidhso ayaa sheegay in Qaraxani  ka dhashey gaadhi lagu xidhay walxaha qarxa oo la dhigay agagaarka Waddada Maka Al Mukarama oo inta badan mashquul ah wakhtiyada duhurkii.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in qaraxan lala beegsanayay Guddoomiyaha gobolka Gal-gaduud oo gaadhi uu wataa waddada marayay islamarkaana uu dhaawac sahlani kasoo gaadhey qaraxan

Xarakada Alshabaab ee ka dagaalan Koonurta somaliya ayaa sheegatay masuuliyada Qaraxan iyadoo sheegtay in qaraxani uu daba socday qaraxyo ay hore uga fulisay Muqdisho oo ay ku beegsanayaan masuuliyiinta ka tirsan dawlada Federaalka Somaliya.

 

 

COMMENTS
LINKS