|
|||||
WAJAALE NEWS
Tobanka kooxood Ee Hoyga U Noqday Musuq Maasuqa Iyo Baahida Loo Qabo Hogaamiye Bulshada Ka Saara Cidhiidhiga Nololeed.
December 23, 2015 - Written by Editor:Warbixin Daboolka ka Qaaday Jidadka Uu Maro Musuqmaasuqu Iyo Masuuliyiinta Ku Sugta Marinkiisa Oo Noqotay Madaxdii Shalay Madaxda Maanta, Madaxda Barri Iyo Maalqabeenada Waawayn Oo Kaalmaha Hore Ka Galay. Waa Maxayse Xidhiidhka Ka Dhexeeya Xarafka [ M] Iyo Musuqmaasuqa? Qalinkii Erayadii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Maansadan faca waynlee Musuqmaasuqa diiday Mabda”ay gudbinayso Mitidbay ku tahoo Kuma maagin ashkhaasiyo Masuulkaan ka dhex muuqan Marlabaadna abwaanku Musuquu ciriqiisiyo Marinkiisa arkoo Meeluhuu ku nagaadee Marfashka uu ka samaystuu Madhaal kuugu tilmaamay. Waana xaaja maroortoo Masuulkii ku shaqeeya Umaduu matalaayo Milguhuu ka dilaa Mugdibuu galiyaa Dakhliguu madhiyaa Makhalkuu Gudhiyaa Sharciguu Murgiyaa Maqluubkuu u Rogaa Markaasuu madaxooga Ka,yeelaa Mijahooda. Aafada Musuqmaasuqu waa cudur dhib wayn ku haya habsami u socodka hanaanka dawladnimo dalkasta oo Aafada Musumaasuqu dabarka goostaana waxay bulshadiisu daris u noqdaan sarif barar cidhiidhi nololeed iyo dhaqaalaha oo gacanta u gala koox yar waxayna taasi sobobta cadaawad iyo isnacayb bulshada dhexdeeda ka dhaca waxaana suuro gal noqda awood maroorsi colaado gaajo iyo barakac Ku soo noqnoqda guud ahaan wadamada Soo koraya ee Afrika hormood ka tahay. Calaamada koowaad ee lagu garto Qaran kasta oo Aafada Musuqmaasuqu xakamaha goosto waxaa lagu gartaa Hayadaha u qaabilsan la dagaalanka ayaa gabi ahaanba noqda kuwa hawl gaba oo aan waxba ka qaban karin Aafada Musuqmaasuqa ugu danbayna iyagu qayb ka noqda macaamilka Musuqmaasuqa . Sidoo kale Aafada Musuqmaasuqu waxay sobob u tahay gaajada iyo daranyada Malaayiin qof oo ku nool aduunyada guudkeeda gaar ahaan Afrika iyo wadamada loo yaqaan dunida Sadexaad waana maraga Koowaad ee calaamada u ah wadanka Aafada Musuqmaasuqu dabarka goosto waa maamul xumo baahsan Waxaana mid lagu xusi doono Sooyaalkiisa Madaxwayne kasta oo dalkiisa u horseeda Musuqmaasuqa hadiise aan hoos ugu daadago dulucda maqaaalkayga kooxda tobanka ayaa dalkasta hormood u ah Aafada Musuqmaasuqu waa tobanka kooxood ee qormadan ku falanqayn doono waana Astaamaha waawayn ee lagu garto Dalkasta oo Aafada Musuqmaasuqu xakamaha goosto anigoo qoraalkan mid mid farta ugu fiiqi doona kaalmaha ay ku kala Jiraan kooxda dhiig miiratada ah ee ku heshiiyay Aafada Musuqmaasuqus . Waa Maxayse Xidhiidhka Ka Dhexeeya Xarafka [ M] Iyo Musuqmaasuqa? 1; Madaxwayne 2; Muxaafid iyo mucaarad 3; Madaxtooyo 4; Maalqabeenno 5; Masuuliyiin 6; Maamullo 7; Maareeyayaal 8; Maayarro 9; Madaxdhaqmeed 10; Mudanayaasha Guurtida Wakiilada Iyo Golayaasha Deegaanka 1; Madaxwayne waa awooda ugu saraysa qaranka waa hogaamiyaha siyaasadeed waxkasta oo mudo xileedkiisaa dalka ka Dhacaana isaga ayaa masuul Ka ah Maahmaah Carbeed ayaa tidhaa [Bani aadamku waxay haystaan diinta boqorkooda] waxaana maanta bogaga taariikhda diiwaankooda ku jira boqoro Madaxwaynayaal Wasiiro Siyaasiyiin wadamadoodii u horseeday Musumaasuq oo maanta shacabkii ay xukumayeen la ildaranyihiin colaado gaajo iyo cidhiidhi nololeed . 2: ; Muxaafid iyo Mucaaradba siyaasiyiinta saaxada ku borotamaya waa rag muuqooda lawada garanayo maamulkoodana la soo tijaabiyay iyadoo aynu ku soo koobi karno . Madaxdii Shalay, Madaxda Maanta, iyo Madaxda Barri, mabda ay ku kala duwan yihiina aanu jirin waxaanay ku dhuumaalaystaan xisbiyada siyaasada marba xisbi galaan midna way ka baxaan iyagoo ka raadinaya fursado iyo Awoodo intii hore ka badan si ay Musuqmaasuq kii hore ka badan uga galaan bulshadan cidhiidhiga nololeed dariska u noqotay iyo qaranka curdinka ah ee Aqoonsi Caalami ah wali dawladaha aduunka ka helin waxaanay u gulaynayaan sidii ay hantida yar ee wadankani haysto ugu takri fali lahaayeen. .3: Madaxtooyo waa hawl wadeenada iyo la taliyayaasha gaarka u ah Madxwaynayaasha iyo Boqorada maamulkooda u horseeday musuqmaasuqa kooxdan ayaa ah kuwo awood badan u leh ku tagri falka hantida qaranka ee Guurtada iyo ma Guurtada iskugu jirta . Waxaana hubaala in ayna jirin masuuliyiintani xillal muuqda oo Qaranka ka hayaan waxayna dhamaantood ka hawl galaan Qasriga Madaxtooyada waana hawlwadeeno aad iskugu dhaw yihiin Madaxwaynaha oo ah shaqsiga awooda Qaranku gacantiisa ku jirto. 4: Maalqabeeno waa mulkiilayaasha Shirkadaha Ganacsiga ama tujaarta ay gacantooda ku jiro dhaqaalaha Wadanku maamul wanaaga iyo dhismaha dawladnimo oo taabo galaa waa badbaadada dhaqaalaha balse Iyagu ma arkaan. Sidoo Kale qofkasta oo dalka gudihiisa Jooga waxaa kasoo gala faa’iido waxaana la xaqiijinayaa In qofkastaa u noolyahay tujaarta bulsho kastaana waxay Ku qiimaysantahay halka ay dhigaan tijaarkoodu ama Maalqabeenkoodu waxaanad moodaa In Wadanka aynu ku noolahay ee S/land ay ka muuqato Miyi Iyo Magaalaba halka uu dhigay Maalqabeenkoodo . 5; Masuuliyiintu waa gacan yarayaasha u adeega Madaxwaynayaasha boqorada sida Wasiirada Wasiir ku xigeenada Agaasimayaasha guud kala duwan ee ka taliya Dalalka Afrika iyo Wadamada Dunida Sadexaad ee sharciga iyo xeerarka dalka ay ka sarayso awooda Madaxwaynaha Boqorka Iyo Masuuliyiinta ka hoos adeegta hadaba masuuliyiintani iyagoo fulinaya awaamiirta iyo rabitaanka hogaamiyahooda waxay shacabkooda kula kacaan waxkasta oo ka soo burqada maanka iyo maskaxda hogaamiyahooda waxaanay taasi shacabkooda u horseedaa nolol cidhiidhi ah. 6: Maamulo waa maamulayaasha gacan yarayaasha u ah masuliyiinta aan ku faahfaahiyay qodobka Afraad waana furayaasha albaabada u fura Musumaasuqa . Maamuladan ayaa ah kuwa aad u firfiroon oo inta badan hela xogaha qarsoon waxaanay u gacan u haadiyaan Musuqmaasuqa iyagoo masuuliyiinta ka tilmaama una toosiya sidii ay ugu fududayn lahaayeen in si dhibyar loogu tari falo hantida Umadda. 7: Maareeyayaal waa madaxda maamula goobaha muhiimka ah ama halbawlayaasha ah Qaranka sida Dakadaha, Wakaaladaha biyaha, iyo korontada, ee gacanta dawlada ku jira waana madaxda ugu awooda badan dalalka Aafada Musuqmaasuqu xakamaha goosto. 8: Maayaro waa gudoomiyayaasha xukuma magaalooyinka waawayn kuwaasoo shuruucda ku qorani sheegaan in ay u madax banaan yihiin shaqadooda . Balse dalalka uu xakamaha goosto Musuqmaasuqo waxay noqdaan Madax gaadh adag ka haya rabitaanka masuuliyiinta qaranka ugu saraysa waxaanay badalkeeda loogu badalaa laguna maamuusaa awoodo badan iyo fasax dheer loo siiyo Aafada Musumaasuqa iyadoo balan loo qaado in aan la badali doonin 9;Madaxdhaqmeed waa Suldaanada, Cuqaasha, Nabadoonada, iyo Odayada magayada la xurmeeyo Sita, dalkasta oo xakamaha goosto Aafada Musuqmaasuqu waxaa dhaca isku milan bulshada iyo madaxda ah waana ta sobobta in ay bulshadu faraha ka qaadaan dhaqnkii soo jireenka ahaa . Sidaa darteed waxay hogaamiyayaashu shacabku iyo magacyada qabaailku waxay ka qayb qaataan musumaasuqa waxayna helaan awoodo uu ugu habran karo Masuulku waana difaaca koowaad ee ku gaban karo haduu sharcigu qabto. 10: Mudanayaasha waa Xildhibaanada, Guurtida, Wakiilada, iyo Golaha Deegaanka, ee shacabku ku soo doortaan nidaamka Dimuquraadiyada ee doorashooyinka tooska ah ka dhacaan waana xildhibaanada ka wakiilka ah bulshada rayidka ah . Balse dalalka ay Aafada Musumaasuqu ku habsato Xildhibaanada ay soo doortaan waxay maankooda iyo maskaxdoodaba buux dhaafisa sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Aafada Musuqmaasuqa waxayna si mugleh uga qayb qaataan Aafada Musuqmaasuqa. isku soo wada duuboo waxaa bulsho waynta somaliland la gudboon in maanka iyo maskaxdaba ku hayaan masuulkii ay dooran lahaayeen hogaaminta shanta sano ee soo socda.
Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|