|
|||||
WAJAALE NEWS
Tirada Tacaddiyada Kufsiga ah Ee Sannadkan Somaliland ka Dhacay, Gobollada Ugu Badan, Sida ay Dumarka, Wiilasha iyo Hablaha Yar-yar u Saameeyeen Oo la Shaaciyey.
December 16, 2015 - Written by Editor:“Waxaa jira mid xad-gudub ah oo dil ah oo sida kale loo naafaynayo qofka. Xad-gudubyada galmada la xidhiidha, ku takri-fal xil ama Masuuliyadeed…” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble “Waxaan u malaynayaa Ninkii yidhi Kufsi ma jiro inuu isagu xalaashanayo… Waxa la kufsanayaa 3-jirkii, 5-jirkii..” Xildhibaan Baar Siciid Hargeysa, (Wajaalenews)- Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda, Shuruucda iyo Garsoorka Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa Shaaca ka qaaday in tacaddiga Kufsigu xadhkaha goostay, isla markaana sannadkan ay gobollada iyo degmooyinka Somaliland inta la ogyahay ama la diiwaangeliyey ka dhaceen siddeed boqol iyo labaatan (820) Kiis oo Kufsi oo isugu jira Gabdho Dhalinyar ah, Dumar waawayn, Carruur Wiilal iyo Hablo yaryar . Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo fadhigii Isniinta ee Golaha Wakiillada Warbixin ka hor akhriyey Mudanayaasha Golahaas, ayaa sheegay inay Guddi ahaan soo ogaadeen in 820 Kiis oo Kufsi ahi ka dhaceen dalka Somaliland inta la diiwaangeliyey ee ay warbixintooda ka heleen Masuuliyiinta Xafiisyada Ciidammada Booliska iyo Xeer-ilaalinta gobollada dalka, xog-ururintooda intii ay ku guda-jireen, kiisaskaas oo keliya dhacay sannadkan dhammaadka ah ee aynu ku jirno ee 2015-ka, waxaanu ku tilmaamay wax fool-xun oo aad looga naxo dhacdooyinkaas oo qaarkood yihiin Kufsi-wadareedyo. Waxa uu sheegay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble in loo baahan yahay in Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo Shacabkii ay Wakiilka ka ahaayeen ee soo doortay ay dhibaatooyinka noocaas ahi ku dhacayaan inay si caafimaad-qabta uga fikiraan, isla markaana sameeyaan Xeer lagu xakamaynayo tacaddiyada Kufsiga ah ee Haweenka iyo Caruurta yar-yar lagula kacayo. Kiisaskaas oo intooda ugu badan uu sheegay Xildhibaanku inay ka dhaceen gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa). “Sanadkan 2015 ee aynu marayno waxaa dalkeena ka dhacey 820 kufsi, Waxaa mustaqbalkoodii lagu ciyaaray oo mugdi la galiyay 820 hablood oo hablihiinii ah oo la baabiiyey, gobol kastaaba qayb buu leeyahay oo dhacdooyinku si bay uga dhacaan, gobolka ugu kufsiga badan waa Maroodijeex (Hargeysa), gobolka ugu kufsiga yarina waa Saaxil, Oog, iyo Laascaanood iyo nimanka reer barina hadalkeedaba daa, Ceerigaabana wuu ku yaryahay laakiin waa ka jiraa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda ee Golaha Wakiillada oo ka sii sharraxaya sida Kiisaskaas qaarkood u dhacaan, waxa uu yidhi; “Immika waa la dhaafey Dumarkii-ba, waxaa la kufsanayaa Wiilashii iyo ummadkii yaryaraa, waxyaabo aanaan afkaa soo Marin Karin, ayaa dalkeenna ka dhaca. Laakiin-se, loo baahan yahay in wax laga qabto. Waxaynu Masuul ka nahay ummaddan, fal-dembiyeedkanina waxaa uu ku dhacayaa Caarkeenniii (Hablaheennii) ee aynu wax ka qabanno.” Xildhibaan Siciid waxa uu sheegay in Tacaddiyada Kufsiga qaarkood ay u dhacaan si aan qasab ahayn, balse Tacaddi iyo Ku-takri-fal awoodeed ah, waxaanu yidhi; “Waxaa jira Kufsi waddareed waad ogtihiin oo dhawr iyo toban, ayaa isugu tagaya Gabadh. Waxaa jira mid xad-gudub ah oo dil ah oo sida kale loo naafaynayo qofka. Xad-gudubyada galmada la xidhiidha, ku takri-fal xil ama Masuuliyadeed, waxaa jira dad Masuuliyiin ah oo ku takri-fala Masuuliyadda. Waxaa jira qof la afduubayo oo inta meel cidlo ah lala tago sidii la doono laga yeelo.” “Waxaa jira dad Filimaan sameeya oo magaalada jooga. Waar nimanyahoow (Golaha Wakiillada) halkan ayaynu nimaadnaa oo waynu ka baxnaa oo magaaladan waxa ka dhacaya ma ogin, ee waxaa loo baahanyahay in aad Nin waloowba si fiican u fikirtid, waxaad dhashey Hablo oo aad Xeerkan muddo kooban ku ansixisaan.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble. Geesta kale, Fadhigii Shalay ee Golaha Wakiillada, ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay ku guda-galeen doodda Xeerka ka hor-tagga iyo xakamaynta Tacaddiyada Kufsiga, waxaanay intooda badan Mudanayaasha dooddooda dhiibtay soo jeediyeen inay muhiim tahay in Xeer ka dhan ah cidda ku kacda Kufsi oo dalku yeesho, halka ay Mudanayaasha qaar dooddooda ku ladheen in loo baahan yahay in Waalidiinta laftoodu doorkooda qaataan oo ay ogaadaan Wiil iyo Gabadhba Carruurtoodu meesha ay ku sugan tahay iyo waxa ay ku foogan yihiin ama kaga maqan yihiin. Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ahayd Xildhibaannada Fadhiga Shalay Dooddooda ka dhiibtay, ayaa tidhi; “Waxaan u malaynayaa Ninkii yidhi Kufsi ma jiro inuu isagu xalaashanayo, bishii sagaalaad ayaan tegay Ceerigaabo, waxaan tagay C.I.D-da, waannu waraysannay, waxaa naloo sheegay in saddex jir la Kufsaday la hayo, hadda waa ilmo saddex jir ah, arrinka halkaas marayaa Ciyaar ma galayo.” “Waxaa la kufsanayaa shan jir iyo saddex jir intaa qaan-gaadhka iyo Dumarka waaweyn la kufsanayay way sahlanayd, waxaa soo kordhay Kufsi wadar ah oo dareera, toban, shan iyo toban, laba iyo toban, lix, ayaa lagu kufsanayaa oo waxay noqotay wax casriya. Haddaba, arrinkan dagaal in laga galo ayuu doonayaa oo wax fudud maaha, dagaalkuna Xeer ayuu u baahanyahay, ee Xeerkaasi idin horyaalla ansixiya.” Sidaa ayay tidhi Xildhibaan Baar Siciid. Related posts:Madaxwayne Kuxigeenka jsl Oo Xilkii Ukala Wareejiyay Wasiirka Madaxtooyada Iyo Agaasimihii Hore Ee M... Dawlada Australia Oo Bandow 24sacadood Ah Kusoo Rogtay Xaafada Ay Somaalidu Ka Degen Tahay Magaalada... "Guddiyada Farsamo Ee Wadahadalka Somaliland Iyo Somaliya Dib Ha U Bilaabaan Shirkooda"Midowga Afric... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|