|
|||||
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE
December 2, 2015 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Fanaanka Caanka ah ee reer Somaliland Nuur Jaamac Aadan (Nuur Daalacay) oo uu aabihii Marxuum Jaamac Aadan Bullaale ku geeriyooday dhawaan Magaalada Gabiley, laguna aasay Marxuumka. Madaxweynuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa qoyskii, qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuumku. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) Related posts:Waftiga Beesha Caalamku Soo Wakiilatay Iyo Digniinta Cuna-Qabataynta Lagu Soo Rogi-doono Xubno Ka M... DAAWO:- Wasiirku xigeenka Abniga Oo ka Hadlay Nin shacab ah oo Dhawaan Ciidanku ku Dileen Magaala... DAAWO; Bandhigii Fanaan Maxamed Bk Ee Hargaysa Stadium Iyo Wacdarihii Kumanaan kamida Shacabka Caasi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|