Somaliland: Wasaarad Shaacisay Inay Hirgelinayso Qorshe ka Soo Horjeeda Diinta Islaamka Iyo Caqabad Ay Sheegtay Inay Hor-taagan Tahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: Wasaarad Shaacisay Inay Hirgelinayso Qorshe ka Soo Horjeeda Diinta Islaamka Iyo Caqabad Ay Sheegtay Inay Hor-taagan Tahay.
December 3, 2015 - Written by Editor:

“Waxaan gebi ahaanba doonaynaa sidii looga joojin lahaa noocyada…. Balse waxa jirta caqabad naga haysata Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland oo diidan gebi ahaanba joojinta…”  Luul Aadan Geeddi

Hargeysa,-(Wajaalenews)- Wasaarad ka tirsan Wasaaradaha dawladda Somaliland, ayaa la sheegay inay qorshayanayaan fulinta tallaabo ka soo horjeedda Diinta Islaamka, oo ah sidii gebi ahaanba looga joojin lahaa Somaliland gudniinka Hablaha, balse waxay intaas ku dartay inay jirto Hay’ad dawladeed oo diiddan tallaabadaas.

SAWIRKA-WARKA-KOOWAAD

Sida lagu baahiyey Warbixin laga diyaariyey saamaynta Gudniinka Fircoonigu ku leeyahay Bulshada Somaliland, gaar ahaan Hablaha iyo sida gebi ahaanba joojintiisa wacyigelin loogu samayn lahaa, ayaa lagu sheegay inay jirto kala duwanaanshaha fikradahooda la xidhiidha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, marka laga hadlayo joojinta noocyada kala duwan ee Gudniinka Gabdhaha.

Luul Aadan Geeddi oo ka tirsan Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa sheegtay inay qorshaynayaan sidii gebi ahaanba loo joojin lahaa Gudniinka Hablaha noocyadiisa kala duwan, waxaanay tidhi; “Waxaan gebi ahaanba doonaynaa sidii looga joojin lahaa noocyada Gudniinka Hablaha Bulshadeenna Somaliland.”

Luul Aadan oo hadalkeeda sii wadatay, waxay sheegtay inay jirto caqabad ka hortaagan gaadhitaanka hadafkooda, oo ah Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, isla markaana ka soo horjeedda qorshahaas, waxaanay tidhi; “Balse waxa jirta caqabad naga haysata Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo diidan gebi ahaanba joojinta Gudniinka Hablaha. Way oggol yihiin in la joojiyo gebi ahaanba Gudniinka Fircooniga Hablaha. Laakiin, way ka soo horjeedaan joojinta Gudniinka Sunniga ah ee Gabdhaha.”

Qorshaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soamaliland wadato oo Hay’adaha caalamiga iyowaddamada reer Galbeedku ku bixiyaan dhaqaale badan oo la xidhiidha joojinta gebi ahaanba Gudniinka Hablaha oo uu ku jiro qaabka loo yaqaan Sunnaha ee Diinteenna Islaamku inna fartay in la sameeyo, qaabkoosoo qorshahan la wadaa meesha ka saarayo haddaan halkaas lagu xakamayn, isla markaana aanay Wasaaradda Diintu caddaynin xadka aan la dhaafi karin ee Sharciga ah.

 

 

COMMENTS
LINKS