Somaliland Musuqmaasuqu Dabarka Ayuu Goostay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Musuqmaasuqu Dabarka Ayuu Goostay!
December 2, 2015 - Written by Editor:

Cabdinaasir Axmed Ibraahim;  “Haddii Dowladnimadu ahaan lahayd qof, musuqmaasuqu wuxuu ahaan lahaa Cancer.”

Muddo dheer oo shacabka caadiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ay hurdo-dakhar ku jireen iyo In badan oo kale oo aqoonyahanka, indheer garadka, culimada, qalinleyda, hal-abuurku ba suuxsanaayeen, ayaa hanti faro-weyn oo qaranku leeyahay lagu takri-falay, boobka hantidaa laga hirqaday in cid lagu eedeeyo iska-daa’e deero deero kuma hirdiyin. Boobkaa cad ee hadh iyo habeen hantida qaranka lagu waday dadka garaadka sarreeya helka u ahi way ka gaabsadeen, haddii laga tagi waayo mid iyo laba ayaa si aad u weyd ah wax uga yidhi.  Musuqmaasuqu xididadka ayuu biyaha la gaadhay, waxaanu ku faafay goob kasta oo ummaddu lahayd.

“Haddaad tagto dhakhtarka weyn waxa aad arkaysaa bukaan lacag  laaluush ah laga bixinayo oo si heer sare ah luugu shaqaynayo iyo bukaan aan awoodin inuu lacag laaluusha bixiyo kaas oo aan cidna u shaqaynayn dawo dhakhtarka taal oo uu xaq u leeyahay ayaannu heli Karin laaluush la’aan.  Haddaad dhakhtarka weyn bookhato waxa ay indhahaagu qabanayaan in bukaanka danyarta ahi ku dulman yahay, tanna waa midhihii ka soo baxay qudhunka musuqmaasuqa iyo xatoonyada ama laamuushka .”

Goor xaalad dhaqaale oo aad u adag dalku ku jirto oo shaqo la’aan baahsani da’yarta indhaha ka tuurtay, shaqo la’aantaas oo sababtay in ubaxa iyo xoogga dalka badda ku dhammaadaan (ayay Masuuliyiinteentii qarankan calankiisa ‘Tawxiidku ku xardhanyahay u dhaartay safaf dhaadheer ugu jiraan xadtooyada xoolaha ummadda!. Haddaan dhowr su’aalood iska weydiino mawduucan, aan ugu horreysiinno ;

1) Somaliland Yaa cashuurta sida ugu wanaagsan u bixiya?

Guud ahaan dhammaan dadka reer Somaliland cashuur ayaa ku waajibtay nooc ay doontaba ha ahaatee, ama se in tay doontaba ha leekaatee, hasa yeeshee xukuumaddan iyo kuwii ka horreeyay  ee dalka soo maray ba waxa ay ka sinnaayeen in ay cashuurta culays kaga dhigaan dadka masaakiinta ah, Hooyooyinka muuska,tamaandhada,dhuxusha iyo gaaska ku iibiya bacadka ayaa cashuurta ugu badan laga qaadaa, kuma baaqan karto maalinna, hadday hayaan iyo haddii aanay haynba!.

Halka shirkadaha waaweyn ee Somtel, Telesom,Dahabshiil iyo Somcable halka aan cashuurta dowladdu xaqa ugu leedahay laga qaadin shirkadahan kor ku xusan oo adduun badan faa’iida, Shirkadahani waxa ay  bixiyaan Luuluush, waxaanad mooddaa in dowladdu adeegsadato qaaciidada ah ‘miskiin baa misko la fuulo leh.’

 

 

2) Cashuurta aan bixino halkay martaa ?

Waxa aan ka guud ahaan ka wada dharragsannahay in cashuurta soo xaroota badankeedu ay ku baxdo wax aan muhiim ahayn, aalaba waxa ay ku dhacdaa jeebab shakhsiyaad leeyihiin, waxaana lagu soo gadtaa baabuurta raaxaada oo caddaan iyo madow iskugu jira, guryana waaweyn oo filooyin ahna waa laga dhistaa dhididka hooyooyinka saboolka ah ee agoomaha koriya!

3) Lix sanno iyo badh dalka hal musuqmaasuq ayaa ka dhacay, siday xukuumadda Siilaanyo sheegayso ma dhabbaa?!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hanti-dhowrka guud ee qarankaba ceeb weyn bay ku tahay in wakhtiga intaa leeg iyadoo hantidii dalka hadh iyo habeenba la boobayo, hal qof maxkamad loo keeno musuqmaasuq. Waxaa habboon in hati-dhowrka guud ee qaranku iska casilo xalkuu hayo,  Madaxweyuhu ka aamuska uu ka aamusay xatooyada hantida qaranku wuxuu muujinayaa “Raali ahaansho.”

Haddii aad ka xuntahay musuqmaasuqa dabarka goostay ee Somaliland ka jira, fadlan ku soo biir Unugga La-dagaalanka Musuqmaasuqa (U.L.M)

La Soco……

 

COMMENTS
LINKS