|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkadda SAGALJET Oo Soo Bandhigtay Buugga ‘Boqol Tallaabo Hore u Qaad’ oo Uu Qoray Aqoonyahan Maxamed Cali Bile
December 15, 2015 - Written by Editor:Nuxurka khudbad uu aqoonyahan Bile si cilmiyey ugaga hadlay hoggaamiyaha wanaagsan iyo tilmaamihiisa Hargeysa (Wajaalenews )- Shirkadda daabacaadda xayeysiisyada ee SAGALJET, ayaa soo bandhigtay buug uu qoray aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo loogu magac-daray ‘Boqol Tallaabo hore u qaad,’ kaas oo xambaarsan tallooyin qof waliba ku horumarin karo noloshiisa gaar ahaaneed iyo guud ahaan ta shacabka uu ku dhex noolyahayba. Xaflad ballaadhan oo daah-furka buuggan loogu sameeyey huteelka Guuleed ee caasimadda Hargeysa habeenimadii Isniintii, kana qaybgaleen siyaasiyiin, aqoonyahanno, dhallinyaro aad u fara badan, masuuliyiinta shirkadda Sagaljet iyo marti sharaf kale, waxa lagaga hadlay muhiimada buuggani leeyahay, sida loogu baahan yahay in lagu dabbaqo dariiqa horumarka nololeed iyo weliba aqoonyahanta iyo kartida qoraagga. Maamulaha shirkadda Sagaljet oo daabacday buuggan Mr. Cabdi Yuusuf Aar oo hadal ka jeediyey xafladda, ayaa ka hadlay qiimaha buuggan iyo doorka ay shirkad ahaan ka qaateen soo saaristiisa iyo dhiirrigelintiisba, “Buuggani waa mid ka mid ah buuggaagtii ugu qiimaha badnayd ee shirkadda Sagaljet daabacday, waxaanan hubaa inuu wax badan ka beddeli karo qof kastoo akhriya ama waqti siiya,” ayuu yidhi Cabdi Yuusuf. Waxa kaloo uu shaaciyey bushaarooyin uu u kala diray shacabka iyo dhallinyarada inay shirkadda dhawaan soo bandhigi doonto buug laga qoray suugaanta Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey) iyo tartan ay u qaban doonaan danaysa qoraalka oo ciddii ku soo baxda buugaagtooda si lacag la’aan ah ay Sagaljet ugu daabici doono, sidoo kalena ay qaadan doonayaan laba qof oo shaqaale cusub ah, kuwaas oo si furan da’yartu ugu tartami doonto. Qoraaga buugga Boqol Tallaabo hore u Qaad Mr. Maxamed Cali Bile oo khudbad dheer ka jeediyey madasha, ayaa ka sheekeeyey hoggaamiyaha wanaagsan iyo sifooyinkiisa, isagoo dhallinyarada ku booriyey inay ka qaybgalaan hoggaaminta iyo talada dalka, isla markaana wax ku yeeshaan go’aamada la xidhiidha masiirkooda iyo ka guud ahaan ummadda. Waxaannu hogo-tusaalayn iyo hiigsi bartilmaameed uga dhigay farqiga u dhexeeya hoggaaminta togan iyo ta taban dalal dunida ka mid ah oo horumar ku gaadhay masuul wanaagsan iyo kuwa ku dumay hormood qaldan, “Adduunyada inta dawladeed iyo inta ummadood ee jirta kuwa horumaray ee meel gaadhay waxa masuul ka ahaa hoggaankooda, kuwa qayrkood ka hadhayna hoggaankooda ayuun baa ka masuul ahaa, aqoon iyo ilbaxnimo kalena may ahayn, sidaa darteed, ummadaha horumaray waxay ku horumareen fikir hal qof oo hoggaamiye ah, kuwa saadiqidayna waxay ku saaqideen fikir hal qof oo hoggaamiye ah ee maaha cilmi la’aan, dhaqaale la’aan iyo aqoon la’aan,” ayuu yidhi Maxamed. Aqoonyahan Maxamed Cali oo hadalkiisa sii watana kana hadlay nooca hoggaamiyaha wanaagsan, waxa uu yidhi, “Hoggaamiyuhu maaha ka daaraha dhisa, ka waddooyinka dhisa, dugsiysada iyo jaamacadaha iyo cusbitaallada, kaasi maaha hoggaamiye ee waxa la yidhaa shaqaale dallacay, hoggaamiyuhu waa qofka aragtida dheer leh ee dejiya siyaasadda halkaa lagu gaadhayo, hoggaamiyuhu haddaanu mustaqbalka ka talin karin oo aannu aragti fog lahayn oo labaatan sanno ee soo socda waxa lagu noolaan karo ka sii talin karin hoggaamiye maaha ee waa lugooyo. Hoggaamiyuhu waa inuu yahay qof garanaya shan sanno kadib sidee bay Somaliland ahaanaysaa, dhaqaalaheeda, nolosheeda, dalnimadeeda? Horta waxa innaga qaldan waxyaabo badan oo hoggaamiyaheenna waxaynu ku dooranaa wixii uu arki jiray ee marnaba kuma dooranayo wuxuu arki doono, hoggaamiyaheenna waxay ku dooranaa wuxuu ahaan jiray oo waxaad moodaa in la isugu abaal-gudayo.” “Hoggaamiyaha wanaagsani waa ka wixii tagay ka soo qaata boqolkiiba 10%, waa ka waxa jooga ka soo qaata boqolkiiba 20%, waaka waxa soo socda ka soo qaata boqolkiiba 70%, markaa hoggaamiyahaagu haddaannu boqolkiiba 70% ka hadli karin shan sannadood dabadeed ma noqonayo hoggaamiye. Haddaba, muxuu noqonayaa hoggaamiyaha wanaagsan ee ay tahay in aynu maanta dalkeenna u dooranayo? Horta waa inuu noqdaa qof go’aan qaadan kara, go’aan qaadashadu waa tayada ugu wanaagsan ee aad hoggaamiye ku dooran karto, haddiise qofku aannu ahayn mid go’aan qaadan kara oo weliba aannu qaraar adag qaadan karin iska ilow aqoon kasta ha lahaado, jaamacado ha ka soo baxo, mujaahid kasta ha ahaado, UN kasta ha ka soo shaqeeyo, laakiin qaraarkaasi wuxuu ku dhisan yahay waa inuu aragti fog oo mustaqbalka ah leeyahay,” ayuu yidhi aqoonyahanku. Waxa kaloo uu ka xog-warramay arrimaha go’aan qaadashada adag u baahan ee horyaal Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka mid yihiin sida laga yeelanayo Qaadka lagu cuno dalka oo uu xusay inay ku baxdo lacag gaadhaysa lix boqol oo milyan dollar sannadkii, shaqo la’aanta haysata siddeeda kun ee dhallinyarada ka baxaya jaamacadaha waddanka sannad kasta iyo weliba helista ictiraafka buuxa oo Somaliland dunida ka hesho. Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay xafladdaasi, ayaa ku hambalyeeyey qoraa Maxamed Cali Bile buuggan, waxaannu dhallinyarada ku dhiirrigeliyey inay ku dadaalaan qoraalka iyo akhriska oo uu xusay inuu aad ugu yar yahay bulshadeena. Waxa kaloo uu ka hadlay hoggaamiyaha wanaagsan iyo sida taariikhdu u xusto, isagoo tilmaamay in inta badan madaxdii magaca kaga tagay dunida ay ka soo jeedeen ciidammada oo ah halka ugu fiican ee nidaamka laga barto, isla markaana carruurta dalka Maraykanka lagu barbaariyo barashada xogta iyo qubuuraha saraakiishii madaxdaweynayaasha ka noqday ee taariikhda galay. “Sababta hoggaamiyayaasha qaar taariikh uga tagaan, qaarna aanay uga tagin waxa weeye; istaraatajiga ama aragtida la doonayo in ummad lagu hoggaamiyo oo ah wax la qoro ayaa mid ku dadaalaa inuu ka dhigo ficil shaqaysa oo hirgasha, ka kalena wuxuu ku guuldarraystaa wixii uu ku fikirayey inuu hirgeliyo,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin. Waxa iyaguna xafladdaasi ka hadlay Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI Boobe Yuusuf Ducaale, qoraa Jaamac Muuse Jaamac, Maxamed Cumar iyo Maxamed Cumar Maygaag (Taag), kuwaas oo dhammaantood hambalyeeyey qoraagga buuggan cusub oo ay isku raaceen inuu xambaarsan yahay faa’iido badan. Ugu dambayntii waxa madashaa dadkii ka qaybgalay kuyuu ugu galeen iibka buugga ‘boqol tallaabo hore u qaad,’ oo ah mid aad u xiisa badan oo ay ku xardhan yihiin boqol qodob oo talo iyo tilmaan u ah horumarinta nolosha, iyadoo halkaasina qoraaga lagu waydiiyey su’aalo la xidhiidha buugga, hankiisa siyaasadeed ee dalka iyo arrimo kale oo aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa muddada dheer ee uu ka soo shaqaynayey Qaramada Midoobay ah. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|