Shirka Beesha Ba Muxumed Oo Maanta Lagu Soo Gabo Gabeeyay Magaalada Shansha Cade Iyo Go,aamada Kasoo Baxay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirka Beesha Ba Muxumed Oo Maanta Lagu Soo Gabo Gabeeyay Magaalada Shansha Cade Iyo Go,aamada Kasoo Baxay.
December 17, 2015 - Written by Editor:

BURCO(W,N) Shirwaynaha Beesha Ba Muxumed oo kamida Beelwaynta Axmed faarax(habarjeclo) oo mudo sideed cisho ah shir uga socday magaalada SHANSHA CADE ayaa maanta lasoo gabo gabeeyay ismarkaa laga soo saartay go,aamo iyo gudi 21 xubnooda oo matali doonta beesha,

Beeshan oo kamida beelaha reer somaliland ee qayb laxaadle kasoo qaadatay nabadaytii dalka iyo dib  udhiska qaranka somaliland ayaa go,aamadii shirkan kasoo baxay ay dhamaan sal u tahay qaranimada somaliland waxana kamida.

A,  In Beesha Ba muxumed Wada Bixiso Magta

B, in  Dhamaan beelaha Dariska ah ay kula nolaadaan diris wanaag Walaaltinimo.

C,   beesha Ba Muxumed waxay Go,an satay in ay Taageerto dawlada Madaxwayne Siilanyo.

D, beeshu Waxay Go,aansatay in ay Raadsato Xubintii Golaha Baarlaman Ee ay xaqa u lahayd

Sidoo kale Waxaa Madasha Lagu doortay  gudi ka kooban 21xubnood oo ku salayan haamaha beesha

1, Aadan Cadib Caateye

2, Axmed Warsame Ayaanle

3.Sheekh Abshir Caabi Cabdile(gudoomiye)

4.Cali Saleebaan Rooble (Xoghaye)

5,Maxamuud Saleebaan Xasan

6,faarax Axmed Xaaji Maxamed

7 Xirsi Xaaji Cumar Buraale

8,Aadan Yuusuf Maxamed

9,faarax Axmed Huuryo

1o,Cabdiraxmaan Ismaaciil Malow

11, Siciid Ibraahim Af,ool

12 Saleebaan Xaaji Cabdi Mataan

13, Aadan Cabdi Cali

14,Sarkaal Aadan Sabalaale

15, Maxamed Xaaji Yuusuf Cilmi

16, Cabdi Xasan Wacays

17 Maxamuud Cabdilaahi Ducaale

18,Dhuux Xaaji Maxamed Cabdi

19 Ayaanle Muuse Ibraahim

20 Jaamac Xaydle Mire

21 Saleebaan Xaamud Dirir

Sidoo kale mudadii shirku socday ayaa waxaa faro galin qaawan ku hayay xubno xukuumada xilka haya oo iyagu doonayay in ay beeshu taageerto xisbiga kulmiye iyo murashaxiintiisa iyadoo saaka ay isku dayeen in ay cabsi galiyaan gudi shirkana ku marorsadaan xubno uu hormuud ka yahay wasiir cali mareen

 iyo maayarka magaalada burco muraad  iyo taliyaha qaybta Booliska ee gobolka togdheer ,

shirkan ayaa kusoo gobo gaboobay jawi nabada iyo xubnii isku dayay duwida shirka oo faro madhan kala tagay.

 

Wajaalenws Desk

BURCO OFFICE

COMMENTS
LINKS