|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirka Beesha Ba Muxumed Oo Maanta Lagu Soo Gabo Gabeeyay Magaalada Shansha Cade Iyo Go,aamada Kasoo Baxay.
December 17, 2015 - Written by Editor:BURCO(W,N) Shirwaynaha Beesha Ba Muxumed oo kamida Beelwaynta Axmed faarax(habarjeclo) oo mudo sideed cisho ah shir uga socday magaalada SHANSHA CADE ayaa maanta lasoo gabo gabeeyay ismarkaa laga soo saartay go,aamo iyo gudi 21 xubnooda oo matali doonta beesha, Beeshan oo kamida beelaha reer somaliland ee qayb laxaadle kasoo qaadatay nabadaytii dalka iyo dib udhiska qaranka somaliland ayaa go,aamadii shirkan kasoo baxay ay dhamaan sal u tahay qaranimada somaliland waxana kamida. A, In Beesha Ba muxumed Wada Bixiso Magta B, in Dhamaan beelaha Dariska ah ay kula nolaadaan diris wanaag Walaaltinimo. C, beesha Ba Muxumed waxay Go,an satay in ay Taageerto dawlada Madaxwayne Siilanyo. D, beeshu Waxay Go,aansatay in ay Raadsato Xubintii Golaha Baarlaman Ee ay xaqa u lahayd Sidoo kale Waxaa Madasha Lagu doortay gudi ka kooban 21xubnood oo ku salayan haamaha beesha 1, Aadan Cadib Caateye 2, Axmed Warsame Ayaanle 3.Sheekh Abshir Caabi Cabdile(gudoomiye) 4.Cali Saleebaan Rooble (Xoghaye) 5,Maxamuud Saleebaan Xasan 6,faarax Axmed Xaaji Maxamed 7 Xirsi Xaaji Cumar Buraale 8,Aadan Yuusuf Maxamed 9,faarax Axmed Huuryo 1o,Cabdiraxmaan Ismaaciil Malow 11, Siciid Ibraahim Af,ool 12 Saleebaan Xaaji Cabdi Mataan 13, Aadan Cabdi Cali 14,Sarkaal Aadan Sabalaale 15, Maxamed Xaaji Yuusuf Cilmi 16, Cabdi Xasan Wacays 17 Maxamuud Cabdilaahi Ducaale 18,Dhuux Xaaji Maxamed Cabdi 19 Ayaanle Muuse Ibraahim 20 Jaamac Xaydle Mire 21 Saleebaan Xaamud Dirir Sidoo kale mudadii shirku socday ayaa waxaa faro galin qaawan ku hayay xubno xukuumada xilka haya oo iyagu doonayay in ay beeshu taageerto xisbiga kulmiye iyo murashaxiintiisa iyadoo saaka ay isku dayeen in ay cabsi galiyaan gudi shirkana ku marorsadaan xubno uu hormuud ka yahay wasiir cali mareen iyo maayarka magaalada burco muraad iyo taliyaha qaybta Booliska ee gobolka togdheer , shirkan ayaa kusoo gobo gaboobay jawi nabada iyo xubnii isku dayay duwida shirka oo faro madhan kala tagay.
Wajaalenws Desk BURCO OFFICE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|