Sacuudiga oo ku Dhawaaqay Isbahaysi Milateri Islaami ah iyo Somaliya oo safka hore kaga jirta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sacuudiga oo ku Dhawaaqay Isbahaysi Milateri Islaami ah iyo Somaliya oo safka hore kaga jirta.
December 15, 2015 - Written by Editor:

Riyad (Wajaalenews)-Dawlada Sacuudi Arabiya ayaa maanta oo salaasa ah ku dhawaaqday 34 dal oo  isbaheysi Milateri  islaamiya , kuwaasi oo la dagaalami doona kooxaha argagixisada ee ku dooda  inay ku dagaalamayaan diinta Islaamka.

SUCUUDIGA

Isbahaysiga Milateriga Islaamiga ah ee uu hogaaminayo Sacuudigu ayaa waxaa ku jira wadamada ay saameynta ugu badan ku leeyihiin kooxaha Xagjirka ah ee ka dagaalama dalalkaasi  iyo wadamada ka taageera la dagaalanka argagixisada.

Wakaaladda wararka dawladda Sacuudiga ee SPA ayaa daabacday bayaan lagu sheegay in qorshahani  uu ku jiri xarun isku xidhta hawlgallada milatari ee isbaheysigan oo laga sameynayo magaalada Riyad.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in kooxaha argagixisada ahi ay xadgudub ku hayaan nolosha iyo sharafta bini’aadamka, nabada iyo amaanka caaalamka.Dhaxal sugaha labaad ee Sacuudiga ahna wasiirka gaashaandhigga Maxamed Bin Salman ayaa shir jaraa’id ka sheegay in aan diiradda la saari doonin oo kaliya hal urur oo argagixiso ah balse lala dagaalami doono kooxaha nabada kasoo horjeeda ee ka dagaalama caalamka.

Isbaheysigan ayaa waxaa ku jira dalalka Jordan, Bahrain, Turkey iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo imika weeraro duqeyn ah ka fulinaya dalka Syria,Tunisia, Lebanon, Libya, Egypt, Pakistan, Bangladesh, Malaysia, Sudan, Somalia, Mali iyo Nigeria.

 

COMMENTS
LINKS