|
|||||
WAJAALE NEWS
Sacuudiga oo ku Dhawaaqay Isbahaysi Milateri Islaami ah iyo Somaliya oo safka hore kaga jirta.
December 15, 2015 - Written by Editor:Riyad (Wajaalenews)-Dawlada Sacuudi Arabiya ayaa maanta oo salaasa ah ku dhawaaqday 34 dal oo isbaheysi Milateri islaamiya , kuwaasi oo la dagaalami doona kooxaha argagixisada ee ku dooda inay ku dagaalamayaan diinta Islaamka. Isbahaysiga Milateriga Islaamiga ah ee uu hogaaminayo Sacuudigu ayaa waxaa ku jira wadamada ay saameynta ugu badan ku leeyihiin kooxaha Xagjirka ah ee ka dagaalama dalalkaasi iyo wadamada ka taageera la dagaalanka argagixisada. Wakaaladda wararka dawladda Sacuudiga ee SPA ayaa daabacday bayaan lagu sheegay in qorshahani uu ku jiri xarun isku xidhta hawlgallada milatari ee isbaheysigan oo laga sameynayo magaalada Riyad. Bayaanka ayaa lagu sheegay in kooxaha argagixisada ahi ay xadgudub ku hayaan nolosha iyo sharafta bini’aadamka, nabada iyo amaanka caaalamka.Dhaxal sugaha labaad ee Sacuudiga ahna wasiirka gaashaandhigga Maxamed Bin Salman ayaa shir jaraa’id ka sheegay in aan diiradda la saari doonin oo kaliya hal urur oo argagixiso ah balse lala dagaalami doono kooxaha nabada kasoo horjeeda ee ka dagaalama caalamka. Isbaheysigan ayaa waxaa ku jira dalalka Jordan, Bahrain, Turkey iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo imika weeraro duqeyn ah ka fulinaya dalka Syria,Tunisia, Lebanon, Libya, Egypt, Pakistan, Bangladesh, Malaysia, Sudan, Somalia, Mali iyo Nigeria.
Related posts:Daawo: Taageerayasha Xisbiga Waddani Ee Magaalada Berbera Oo Dhoolatusyo Cajiiba Soo Bandhigay “Saldhigii Emaaraadka Anigu Hadda Ayuun Baan Si Buuxda u Taageeray. Ilayn Wax Aad Shar Moodo Oo Khay... DAAWO; Nuxurka Qodobo Garabka Isbahaysiga Musharaxiinta Kulmiye kasoo Saareen Khilaaf iyo Shirwaynih... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|