|
|||||
WAJAALE NEWS
Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Oo Sheegay in Beesha Caalamku Soo Mariso Deeqaha loogu talo-Galay Somaliland iyo Sida ay Hargeysa Ugu Soo Gudbiyaan.
December 1, 2015 - Written by Editor:“Waxaad ka badbaaday Qaraxii Huteelka Central ee Muqdisho, marka aad habeenkii hurdo tagto inna ma ku hamidaa inaad Hargeysa ku noqoto..?” Maxamed Cumar Carte muxuu ka yidhi heerka Xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland Soomaaliya Muqdisho,(Wajaalenews) Raysal-wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ah Muwaaddin reer Somaliland ah, balse qaatay mawqifka Midnimada Soomaaliweyn, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland ay leeyihiin xidhiidh wada shaqeyneed, isla markaana wixii Deeq ah ee Beesha Caalamku bixiso Somaliland u soo diraan qaybteeda. Maxamed Cumar Carte oo uu Waraysi la yeeshay Weriye Cabdirisaaq-Tera oo ka tirsan Telefiishanka Star, ayaa la weydiiyey in Xukuumadda Soomaaliya iyo Somaliland xidhiidh ka dhexeeyo, waxaanu tilmaamay inuu xidhiidh jiro, isla markaana wixii Deeq ah ee Beesha Caalamku Soomaaliya siiso ay Somaliland qaybteeda siiyaan. Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo tusaale u soo qaadanaya Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Deeqo Waxbarasho oo ay u soo gudbiyeen, waxa uu yidhi; “Wixii Deeq ahaa ee Somaliland lahayd waxaannu u dirnay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, toos baannu ugu dirnaa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.” Maxamed Cumar Carte Qaalib, waxa uu rejo ka muujiyey in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya dib u bilaabmaan oo ay ka soo baxaan wax reer Somaliland ku qancaan. “Way suurtoobaysaa (in si siman Somaliland iyo Soomaaliya wax u qaybsadaan) waxaanan ILLAAHAY ka rejeynayaa inay wadahadalladi dib u bilaabmaan oo ay ku dhammaadaan wax Soomaaliyi ku raalli ku tahay, Somalilandna waxay tabaneyso ku heli karto.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte. Raysal-wasaare ku-xigeenka oo la weydiiyey su’aal u dhignayd sidan; “Waxaad ka badbaaday Qaraxii huteelka Central ee Muqdisho, marka aad habeenkii hurdo tagto inna ma ku hammidaa inaad Hargeysa ku noqoto?” Waxaanu Mr. Carte oo ka jawaabaya su’aashaas uu yidhi; “Hargeysa waa magaaladeyda waana halkaan ku dhashay.”
Related posts:Labadii Maamul Ee Taageersanaa FARMAAJO Oo Si Rasmi Ah Uga Soo Horjeestey Muddo Korodhsiga Labada Sa... DAAWO; Siyaasiyiinta, Wax-garadka, iyo Aqoonyahanka Beelaha Subeer Awal Ee Xisbiga WADDANI oo Cade... DAAWO;-Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyay Liiska Rasmiga Ah Ee Tirada Guud Ee Codbixiyayaasha Js... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|