|
|||||
WAJAALE NEWS
Pakistan Iyo India Oo Wadahadal U Furmayo.
December 10, 2015 - Written by Wariye:War qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen labada dhinac ayaa lagu sheegay in ay ku heshiiyeen dib u bilaabida wadahadalada ku aaddan Pakistan iyo India ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan wadahadallo mug weyn oo looga hadlayo arrimaha ay labada dhinac isku hayaan, kaddib kala fogaansho jiray 7 sano. Go’aanka ayaa waxaa Islamabad uga dhawaaqay wasiiradda arrimaha dibadda ee labada dal. Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa hormar ay sameeyeen labada dal ee deriska ah, isla markaana haysta hubka nukliyeerka ah, ayna colaaddi u dhexeysay muddada dheer. War qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen labada dhinac ayaa lagu sheegay in ay ku heshiiyeen dib u bilaabida wadahadalada ku aaddan dhammaan arrimaha waaweyn ee ay isku hayaan, gaar ahaan muranka salka ku haya gobolka Kashmir iyo weerarrada argagixiso ee Wadahadaladii ugu dameeyay ayaa burburay sanadkii 2008, kaddib markii mintidiin ka tallaabay Pakistan ay weerarro ka fuliyeen magaalada Mumbai ee India. Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in Pakistan ay India u xaqiijisay in ay dedejin doonto maxkamadeynta minditiinta lagu eedeeeyay in ay qorsheeyeen weerarradaasi. Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya todobaad kaddib markii ra’iisul wasaarayaasha labada dal, Narendra Modi iyo Nawaz Sharif, ay isku arkeen hareeraha shirka caalamiga ah ee looga hadlayo cimilada adduunka ee ka socda magaalada Paris. Source :BBC Related posts:Daawo: Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Salal Oo Ka Hadlay Khilaaf Ka Jira Gobolka Salal Iyo Xaalada D... “Farmaajo Inuu Somaliland Ku Sheego Gobolo Waqooyi, Waa Ku Khalad, Garadkiisa Ayaana Siiyey,Siyaasi ... Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Cusub oo uu leeyahay Indhodeero Group COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|