Nin Waday Markab Berbera Ku Soo Xidhay Oo Uu Maydkiisu Mudo Yaalo Dhakhtarka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin Waday Markab Berbera Ku Soo Xidhay Oo Uu Maydkiisu Mudo Yaalo Dhakhtarka.
December 21, 2015 - Written by Editor:

Berbera (Wajaalenews)- Kabtanka Markab kuwa xamuulka qaada ah oo ku soo xidhay Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, ayaa maydkiisu yaalaa qolka maydka ee cusbitaalka guud ee Berbera muddo ka badan laba bilood.

Kabtan oo u dhashay dalka Romania (Roomaaniya) ee badhtamaha qaaradda Yurub, wadayna Markab magaciisa la yidhaa Muxsin oo ka mid ah kuwa badeecadaha ganacsiga keenaya dekedda Berbera iyo kuwa kale ee ku yaal dalalka Gobolka, ayaa si cad loo ogayn sababta geeridiisa keentay iyo muddada dheer ee uu yaalay maydkiisu, iyadoo dad shacab ah iyo saxaafadduba ka war heshay uun kadib markii cusbitaalka la dhigay maydka Taliyihii Birmadka Gobolka Saaxil ee uu toogtay askariga kale Khamiistii toddobaadkii hore.

Haddaba, Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ee Gobolka Saaxil Mr. Xasan Maxamed Ibraahim oo suxufiyiinta kula hadlay xafiiskii Berbera, ayaa ka warramay maydka kabtan iyo sababta uu yaal, waxaannu yidhi, “Sababta uu u yaalo maydku waxa weeye ninkan in loo sameeyo Baasaboorkii dhimashada, waayo Baasaboorkii hore wuxuu ahaa kii nolosha, sidaasi darteed dalkiisii Romania (Roomaaniya) ayaa looga soo samaynayey baasaboorkii maydka oo hawshiisii waa lagu maqan yahay, toddobaadka soo socda ayey imanayaan dadkii qaadi lahaa iyo naxashkii maydkiisa loo diyaariyey.”

Mar la waydiiyey sida uu u dhintay ninkani iyo waxa lagala socday xaaladdiisa, waxa uu Taliyuhu ku jawaabay, “Sababta uu u dhintay lama sheegi karo, laakiin wuxuu ahaa nin kabtan ah oo saarnaa markab oo wuxuu diiday fasaxii markii qoladii ku shaqada lahayd u tagtay, sida la sheegayna wuxuu ahaa nin yara xanuusanaya oo dawooyin ka soo iibsaday Dubia markii uu ka soo baxayey, kadibna wuxuu xidhay qolkiisii oo markii uu ka soo bixiwaayey ee lagu jabiyey loogu tagay isagoo mayd ah.”

 

COMMENTS
LINKS