Nin iyo Haweenay Xeer Shareecada Islaamku jidaysay lagu Oogay Iyo falka Ay Sameeyeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin iyo Haweenay Xeer Shareecada Islaamku jidaysay lagu Oogay Iyo falka Ay Sameeyeen
December 30, 2015 - Written by Editor:

Banda Ache (Wajaalenews)- Magaallo ku taal Indonesia ayaa goob fagaare ah lagu oogay ciqaab shareecada islaamku u jidaysay nin iyo gabadh arday ahaa.

BANDA ACEH, INDONESIA - DECEMBER 28: An Indonesian Sharia police whips a women during a public caning ceremony outside Baiturrahim Mosque for violating Aceh's Sharia Laws on December 28, 2015 in Banda Aceh, Indonesia. PHOTOGRAPH BY Jefta Images / Barcroft Media UK Office, London. T +44 845 370 2233 W www.barcroftmedia.com USA Office, New York City. T +1 212 796 2458 W www.barcroftusa.com Indian Office, Delhi. T +91 11 4053 2429 W www.barcroftindia.com

BANDA ACEH, INDONESIA – DECEMBER 28: An Indonesian Sharia 
W www.barcroftindia.com

Sida lagu baahiyey wargeyska Jakartapost, nin iyo gabadh la sheegay inlagu soo eedeeyey dembi la xidhiidha inay isku keliyeysteen meher la’aan ayaa lagu karbaashay shan jeedal mid walba fagaare masaajid magaalada ku yaal.

Oogitaanka ciqaabtan oo shareecada islaamku jidaysay in la mariyo qof kastoo ku dhaca dembigeeda ayaa lagu fuliyey haweenayda oo aakhirkii loo qaaday cusbitaalka, markii ay dhacday.

 

Fagaaraha oo dadweyne fara badan goobjoog ahaayeen, ayaa maayar-xigeenka degmada Banda Ache Zainal Arifin u sheegay dadkii in ciqaabtani digniin ugu filan tahay qof kastoo ku kaca dembiga sababa.

‘Ciqaabtan casharo u qaata, waxaanan rajeynayaa in jeedalka lagu ciqaabay ka joojin doono samaynta dembiga keena mustaqbalka.

Banda Aceh, waa gobolka keliya dalka Indonesia oo shacabkoodu muslim yahay ee bilaabay isku xukunka shareecada islaamka, sannadkii 2003, ka dib markii loo aqoonsaday gobol madaxbanaani gaara haysta.

COMMENTS
LINKS