Muse Biixi ku quuso casuumada Ethiopia A/rahman Ciro u fidisay by Abdi Mustafe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muse Biixi ku quuso casuumada Ethiopia A/rahman Ciro u fidisay by Abdi Mustafe.
December 10, 2015 - Written by Wariye:

Wayno la soconay mar hore oo Ciro oo keliya laga soo casuumay kilinka shanaad oo si heer sare ah loo qaabilay

Dowlada Ethiopia oo ah halkii halkankii SNM saldhiga u ahaa ayaa Muse Biixi ka dheregsan warkiisa iyo taariikhdiisa oo aan u bogin. A/rahman Ciro na waxay u arkaan ama ku barteen 10 kii sanadood ee uu hogaaminayay golaha wakiilada ahaa iyo markuu dalka aduunka uugu wayn ee Russia ka shaqeynayay nin siyaasada caalamka lagula dhaqmo si fiican u yaqaan. Muse na dowlada Ethiopia naftiisa ayay uuga war roontay in aannu noqon karin nin siyaasi ah oo dalalka jaarka iyo caalamka midna la dhaqmi kara. Sidaa darteed ayay xukuumada Ethiopia had iyo jeer casuumad sharaf uugu fidiyaan A/rahman Ciro. Wayno la soconay mar hore oo
Ciro oo keliya laga soo casuumay kilinka shanaad oo si heer sare ah loo qaabilay in Silaanyo iyo Amina Weris ay dawakhaad ka qaadeen oo xadka jiidheen iyadoon la casuumin oo meel ay ku degaan na aan loo diyaarinin. Muse Biixi siyaasada ayaa ku yar ee waa in uu fahmo in dowlada Ethiopia ay u jeedo Ciro ayaa siyaasada fahmaya oo aannu la macaamili karaa. Kaaga daran ee weliba dowlada Ethiopia waxay ku wargelin kartaa dowlada Jabouti in ay dib uuga joogsadaan haduuba Muse ka helaayay wax taakula ah. Muse gudaha dalka iyo dibadiisaba maaha nin ka iibsamaya ama u cuntamaya ee wuxuu isku deya yaa in uu jujuub iyo askari nimo dalka madaxweyne kaga noqdo laakiin wax u suurtoobaya marnaba maaha oo wxuu ku caanyay calaamada badan oon gobol qudhina uugu codeyneyn. Muse waan u dar-daar werinayaa waxba yaannu hindisin ama is tusin isagoo madaxweyne ah. Muse haduu fahmi waayo dowlada Ethiopia waxay Ciro u wadato oo daahir yaa shmis ah wax kalena fahmi kari maayo. Muse cid uu ka dheeryey oo uu dhaafi karayaana ma jiraan cid uu jujuub ku xukumayaana ma jirto ee waxa haboon in uu siyaasada soo barto oo uu fahmo dhinaca ay dabayshu u dhacayso.
Abmustafe123@gmail.com

COMMENTS
LINKS