Mudoharaad Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay oo ka Dhacay Caasimada Jabuuti Dawlada Iyo Mucaaridka Oo Siyaabo kala Duwan Uga Hadlay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudoharaad Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay oo ka Dhacay Caasimada Jabuuti Dawlada Iyo Mucaaridka Oo Siyaabo kala Duwan Uga Hadlay
December 21, 2015 - Written by Editor:

JABUUTI( Wajaalenews)-Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshado  maanta ka dhacay Caasimada Jabuuti.

Rabshadahan ayaa ka bilaabmay munaasibad mucaaridka dalkaasi ku xusayeen Mawliidka Nebi Muahamed (NNKH) taasi oo maanta ku beegnayd.

Masuul ka tirsan mucaaridka Djabuti ayaa BBCda u sheegay in ciidamada Booliiska Djabuti ay dileen 15 Ruux, 20 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada Booliisku ay rasaas ku fureen dadwaynaha ku sugnaa munaasibadaas.

Geesta kale, Taliyaha ciidanka Booliiska Djabuti Cabdullaahi Cabdi faarax,  ayaa sheegay in rabshadahaasi ay ka dambeeyeen mucaaridka dalkaasi isagoo ku dooday in la dhaawacay 35 askari oo ka tirsan ciidamada booliiska, Taliyuhu waxaa uu sheegay in la xidhxidhay xubno lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen rabshadahani ka dhacay magaalada Jabuti .

Taliyaha Ciidanka Booliiska Djabuti waxaa uu ku hanjabay in dawladu ay sharciga marin doonto cida ka dambaysay rabshadahan.

 

Mucaaridka Iyo Dawlada Djabuti ayaa warar kala duwan kasoo saaray rabshadahani maanta ka dhacay Dalkaasi iyo dhinac waliba iska fogeeyay masuuliyada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay mudaharaadkan.

Wararka dheeraadka ah ee laga helayo  ayaa  tibaaxaya in wali ay socdaa mudoharadadii hala xukuumaduna ay u adeegsnayso ciidamo xoogan iyo rasaas nool

Wixii kasoo kordha kala soco wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS