Mudaharaad Ka Dhacay Magaalada Berbera Iyo Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Taliyaha Ciidanka Birmada Oo Dil Lagu Xukumay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudaharaad Ka Dhacay Magaalada Berbera Iyo Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Taliyaha Ciidanka Birmada Oo Dil Lagu Xukumay.
December 18, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil waxa maalintii labaad ka dhacay mudaharaad la xidhiidha dilkii loo gaystay taliyihii ciidanka birmadka ee gobolka Saaxil.

RABSHADO

Ciidanka booliska ee magaalada Berbera ayaa dadkii mudaharaadka samaynayey u adeegsaday xabado nool kuwaas oo ay ku kala kaxaynayeen dadkii mudaharaadka dhigayey  oo dalbanayey in xukun dil ah lagu fuliyo gacan ku dhiiglaha dilay taliyihii ciidanka birmadka.

Dhinaca kale maxkamada ciidamada ayaa saaka barqadii dil ku xukuntay askarigii dilay alle haw naxariistee taliyihii ciidanka birmadka ee magaalada Berbera Aadan Guuleed Jibriil Talaabo taas oo uu xaqiijiyey warbaahinta badhasaabka gobolka Saaxil, iyada oo gacan ku dhiiglahana maalinta bari ahna la horgayn doono askariga dilka gaystay maxkamada darajada labaad.

 

COMMENTS
LINKS