Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Axmed Siilaanyo Iyo Muuse Biixi?- By Cali Xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Axmed Siilaanyo Iyo Muuse Biixi?- By Cali Xaraaro
December 15, 2015 - Written by Editor:

Axmed Siilaanyo waa gudoomiyaha Ruuxiga ah ee xisbul xaakimka Kulmiye, halka Muuse Biixina uu yahay gudoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye.

Maanta Axmed Siilaanyo Oo ah xubinta uugu saraysa ee xisbul Xaakimka kulmiye wuxuu dhawaan Ka dhigey murashaxa xisbul Xaakimka kulmiye Muuse Biixi, Hadaba Muuse Biixi haduu is Leeyahay waad ka dembi yartahay Ama dembiga uu dadka iyo dalka Ka galay Axmed Siilaanyo lama Qabtid waa aragti qaldan, Sababtuna waxay tahay xumaan Kasta oo Axmed Siilaanyo ku Sameeyey ummadan, Muusena wuu Ku taageersan yahay ilaa maanta, Haday tahay hanti umadeed oo la Boobay, Haday tahay khiyaamo qaran, Haday tahay dad la weeraray oo La diley. Haday tahay saxaafad la xayiray Ama xorriyatal qawl la cabudhiyey. Haday tahay kala qaybinta ummada Iyo isku dirka shacbiga.

Arimahaas iyo kuwo kasii daran Ayaanu Muuse Biixi marnaba ku Diidin Axmed Siilaanyo. Hadaan ku soo noqdo Su’aasha halka sare ku taala, anigu waxaan Odhanayaa waa dameer iyo Labadiisii daan, Waa isku mid waana isku xisbi.

Waxaan ku soo xidhayaa qoraalka,

Naafaysigii Siilaanyo iyo Nabaraduu geystey,

Naanaylihii ina Biixi waa ka Noolnahaye,

Nasiib baynu leenahay hadaanay Naagtii soo noqon.

W/Q: Mujaahid Cali Cismaan Libaax (Cali xaraaro)

COMMENTS
LINKS