|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxay Daaran Yihiin Safaro Qarsoodiya Oo Xubno kamida Xisbiga Wadani Ku Tageen Gobolka Gabiley Iyo Kulamo Ay Layeesheen Qaybaha kala Duwan Ee Bulshadu?
December 29, 2015 - Written by Editor:GABILEY(Wajaalenews) Bulsho waynta gobolka gabiley ayaa quus ka muujiyay xukumada madaxwayne siilaanyo iyo xisbigeeda Mudo lixsano ah kadib markii ay beenooday balanqaadyadii ay bulshada reer gabiley ku doorteen xisbiga kulmiye kana sugayeen fulinta balamahaa iyo in ay waxka qabtaan horumarinta gobolka gabiley oo isagu ah gobol beero lay ah dadkiisuna hodan ku yihiin wax soo saarka, taasi oo laf dhabar u ah dhaqaalaha somaliland.
Hadaba bulshada reer gabiley ayaa shayga ugu muhiimsan ee ay madaxwayne siilaanyo ka rajaynayeen ahayd ansixinta Gobolnimada Gabiley taasi oo mudooyin badan uu siyaabo kala duwan u balanqaaday balse waxay noqotay mid beenowday Waxayse aqoonyahanka,waxgaradka reer gabiley isha ku hayeen sida uu hadba Madaxwayne Siilaanyo Iyo xisbigiisu ka yeelaan ansixinta Gobolka, taasi oo riyadiisii iyo rajadii reer gabiley soo gabo gabowday shirkii ugu danbeeyay ee looqabtay qorshaha horumarka gobolka oo dhawaan la so gabogabeeyay, Waxaana madasha shirkan ay sibadheedha u sheegeen Madaxdhaqameedka Gobolku in Aanu jirin wax Gobol layidhaa meeshan ay ka baxday wixii Reer Gabiley iyo Siilaanyo ku heshiiyeen, Sidoo kale waxay Madaxwaynaha usoo jeediyeen in uu meesha ka kaxeeyo Badhasaabka iyo Taliyaha qaybta maadaba aanay gabiley ahayd gobol xukuumaduna ku fashilan tahay Ansixintiisa, Dhawaaqa Madaxdhaqameedka iyo Aqoonyahanka Gobolka Gabiley ee quusta ka muujiyay in ay Xukuumada kulmiye ku fashilantay Gobolnimada Gabiley. Waxaa Gobolka Gabiley labadii cisho ee ugu danbeeyay ka bilowday shirar hoose iyo kulamo gaar gaara oo dhexmaraya madaxda dhaqanka , iyo masuuliyiin sare sare oo kamida xisbiga Muraacidka ah ee Wadani, oo sida la sheegay ku yimid safaro qorsoodiya Hadaba wararka aanu ka helayno Magaalada Gabiley ayaa sheegay in xalay ilaa maanta galinkii danbe ay Gudaha magaalada gabiley ku sugnaayeen masuuliyiin xisbiga wadani ka socda kuwasi oo shirar gooni gooniya la yeeshay qaarkamida madaxdhaqanka ,dhalinyarada , haweenka iyo siyaasiyiin xilalka Ka soo qabtay gobolka gabiley Shirarkan ayaan la hayn wax soo baxay balse warar madaxabnaan oo aanu ka helayno ayaa tibaaxay in qaybo kamida hogaanka dhaqanka iyo xubno kale ay qorshaynayaan sidii ay ugu digorogan lahaayeen xisbiga wadani, guud ahaan gobolka gabiley ayaa laga dareemayaa Abaabulo ku waajahan sidii ay u qaadi lahaayeen jidka mucaaridada iyo sidii ay u xulan lahaayeen xisbi ay shuruudo adag la galeen, si cadna u hordhigaan rabitaanka bulshada reer gabiley. Sikastaba ha ahaatee waxaa laga warsigi doonaa halka ay ku biyo shubato iyo natiijada kulamada kasoo baxa.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|