|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaa kala Qabsaday Muuse Biixi(Gudoomiyaha-Kulmiye) Iyo Shaqaalaha Huteelka Damal.
December 6, 2015 - Written by Editor:Hargaysa(W,N)-Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbi Xaakimka Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa,si adag oo qardoofaad le hula dhaqmey Shaqaalaha Huteelka Damal ee Magaalada Hargeysa Kadib markii mid kamid ah inamada Huteelka u qaabilsan dhinaca Amaanku joojiyay Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Kulmiye taas oo uu siweyn uga xanaaqey islamarkaana, uu dagaal adag ku waajahay Shaqaalaha. Amintu waxey aheyd wakhti ku began xiligii Salaada Duhur abaaro 12;30 Saacada Afrikada Bari Laakiin sida wararka Xogogaalka ahi sheegayaan waxa soo kala gaadhey qardoofada Gudoomiye Muuse ku ekaysiiyay Shaqaalaha Huteelka Damal ee Magaalada Hargeysa mid kamid ah shaqaalaha Huteelka oo garanayay Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ee dhawaan loo cumaamaday Murashaxa Jagada Madaxweyne Huteelka Damal oo kuyaala xaga sare ee daarta wayn ee Baanka Dahabshiil ee badhtamaha Caasimada Hargeysa,waxa ay sida sharciga Huteelka Damal uyaala Shaqaalaha dhinaca Amaanku ka dalbadeen Gudoomiye Muuse Biixi in ay baadhaan haseyeeshee, arintan Ayaan marnaba u cuntamin Muuse Biixi oo uu siweyn uga dagaalamay inkastoo uu kasoo gaadhey khilaafkan dhex marey Shaqaalaha iyo Gudoomiyaha mid kamid ah Shaqaalaha iyadoo xaaladu gaadhey mid uu siweyn uga cadhoodey oo ka lumisey Gudoomiyaha Kulmiye kalsoonidii iyo Deganaanshihii labadaba. Inkastoo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi u gudbey Gudaha Huteelka Damal haseyeeshee, waxa uu arintan uga dacwooday Mulkiilaha Huteelkaasi Maxamuud Siciid iyadoo ay shaqadoodii ku waayeen Shaqaalaha ka dalbadey Gudoomiyaha Kulmiye in ay baadhayaan sida sharciga Huteelku dhigayo. Ilaa iyo hada lagama Warqabo in Shaqadii lagu soo celiyay islamarkaana, digniin la siiyay Shaqaalaha amaanka Huteelka ee joojiyay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi wali sidhaba looma oga in shaqaalihii shaqadii lagu celiyey iyo inkale dhacdadan ayaa noqonaysa mid lafjab ku ah masuul umada madaxwayne ka doonaya oo ku dacwaynaya bulshadii uu masuulku ka saarnaa gudashada hawlahoodii shaqo, balse maaha markii ugu horaysay ee Muuse Biixi iyo Isqabsadaan Qof muwaadin ah oo gudanaya hawlmaalmeedkiis, mudo hore ayay ahayd in sidaa si leeg ay isku qabsadeen ASKARI Magaalada Tog wajaale shaqadiisa gudanaya oo uu Muuse Biixi ku Qoonsaday Muxuu ii joojiyay,islamarkaana uu shuruud ka dhigay in loo Xidho Askariga dhacdadaas oo Maxamed Kaahin markjhaati ka ahaa waxa loo taxaabay Askarigii., Related posts:Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Sharaxaad Ka Bixiyay Ujeedada Safar Madaxweynuhu Ugu Baxay ... Somaliland Oo Si Kulul Uga Hadashey Cuno Qabateynta Hubka Somaliya Laga Qaadayo Kuna Baaqdey In Aan ... Sheekh Almis Yaxye Oo Ka Waramay Jawaabta Ehlu Naarka Ee Marka La Waydiiyo Maxaad Naarta Ku Gasheen? COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|