|
|||||
WAJAALE NEWS
Masuuliyiin Dhalinyaro Ah Oo Bulsho Waynta Tusay Kartida, Daacadnimada Iyo Aqoonta Ay Dhalinyaradu Ku Hogaamin karaan Qaranka s/land Iyo Sadexda Masuul Ee kaalmaha Ugu Horeeya Ka Galay.
December 15, 2015 - Written by Editor:GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE AADAN X CALI GUDOOMIYAHA GUDIDA ILAALITA HANTIDA QARANKA EE GOLAHA WAKIILADA XILLDHIBAAN MAXAMAD CALI XIRSI IYO MAAYARKA DAGMADA GABILEY MAXAMAD AMIIN CUMAR CABDI!! Waa Markii U Horaysay Ee Masuuliyiinta Ugu Saraysa Qaranka S/land Ay Ka Dhex Muuqdaan Madax Dhalinyaro Ah ILAAHAY Mahadi Haka Gaadhee Waxaa Midho Dhalay Ogolaanshihii iyo Qalbigii Furaa Ee Madaxwayne Axmad Maxamad Maamuud Siiraanyo Ku Qaabiley Baaqii Dhalinyaradu Kaga Codsadeen In Ay Ka Mid Noqdaan Masuuliyiinta Ugu Saraysa Ee Dalka Waana Talaabo Lagu Xusi Doono Sooyaalka Siyaasadeed Ee Madaxwayne Siiraanyo Talaabadaa Hore Loo Qaaday Ka Dib Waxay Dhalinyaradu Fursad U Heleen In Ay Isku Sharaxaan Golayaasha Deegaanka Mar Kale Waxay Dhalinyaradu Ku Guulaysteen In Loo Doorto Hogaaminta Golayaasha Deegaanka Magaaloyinka Waawayn Ee Dalka Iyagoo Markii Ugu Horaysay Madaxwayne Siiraanyo Fursad U Siiyay In Ay Dhalinyaradu Hogaamiyaan Garsoorka Dalka Oo Ah Sadexda Waaxood Ee Qaranka Mid Ka Mida. Mar Kale Madaxwayne Siiraanyo Ayaa Talaabo Hore U Qaaday Una Hibeeyay Dhalinyarada In Sadexda Waaxood Ee Qaranka S/land Ka Koobanyahay Mid Ka Mida U Igmado Masuul Dhalinyaro Ah Isagoo U Magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aqoonyahan Sharci Yaqaana Aadan X Cali Masuulkan Ayaa Noqonaya Masuulkii Ugu Da”ada Yaraa Ee Loo Magacaabo Hogaaminta Cadaalada Qaranka S/land Waxaanu Muujiyay Dadaal Dheeraada Karti Daacadnimo Iyo Aqoon Lagu Arkayo Dhamaan Xarumaha Cadaalada Ama Maxkamaduha Bahda Garsoorku Ka Hawl Galaan Waxayna Bulsho Wayntu Ka Markhaati Kacayaan Dardar Galinta Iyo Xoojinta Bahda Garsoorka Si Bulsho Wayntu U Helaan Garsoorayaal Cadaalad Ugu Garsoora Maamul Iyo Shacaba Waxaanu Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan X Cali Kaalinta Koowaad Ka Galay Masuuliyiinta Dhalinyarada Ah Ee Bulsho Waynta S/land U Muujay In Dalinyarta Xilkast Ku Gudanayaan Kuna Hogaamin Karaan Karti Daacdnimo Iyo Aqoon Dalka Iyo Dadkana Horomar Gaadhsiin Karaan. Sidoo Kale Waxaa Kaalinta Labaad Ku Jira Masuuliyiinta Dhalinyarada Ah Ee Bulsho Waynta S/land Tusay Kartida Daacadnimada Iyo Aqoonta Dhalinyaradu Ku Hogaamin Karaan Qaranka S/land Waa Gudoomiyaha Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Xildhibaanka Maxamad Cali Xirsi Xilldhibaanka Ayaa Ka Mid Ahaa Xilldhibaanada Ugu Da”ada Yaraa Ee Golaha Wakiilada Ka Mid Noqday Dabayaaqadii Sanadkii 2005 Balse Waxaa Marag Ma Doona In Uu Ka Dhex Muuqdo 82 Mudane Ee Golaha Wakiilada S/land Iyadoo Dadaalkiisa Busho Waynta S/land Ka Markhaati Tahay Kormeerada Iyo Kuur Galida Ilaalinta Hantida Qaranka Uu Joogteeyay Uu Ku Soo Maro Wasaarada Dalka Iyo Dhamaan Hayadaha Dawlada Heer Gobol Ilaa Heer Dagmo Waxaanu Olole Xoogan Ugu Jiraa Sidii Maamulka loogu Daadajin Lahaa Gobolada Iyo Dagmooyinka Dalka Isagoo Dadaal Dheeraada U Galay Iyo In Dhamaan Dagmooyinka Dalka La Gaadhsiiyo Kharashaadka Looga Qoondeeyay Miisaaniyada Qaranka Waxaanu Daraasaadka Uu Soo Sameeyo U Soo Bandhigaa Shacabka Saxaafada Xukuumada Iyo Golaha Wakiiladaba Isagoo Ka Diyaariya Buug Yare Koobsanaya Qeexayana Dhamaan Gobolada Iyo Dagmooyinka Dalka Inta Ka Gaadha Kharshaadka Looga Qoondeeyay Miisaaniyada Qaranka Ee Wasaaradaha Loogu Daray Dadaalkaa Dheeraadka ah Ee Uu Muujay Waxuu Xilldhibaan Maxamad Cali Xirsi Ku Mutaystay In Kaalinta Labaad Ka Galo Masuuliyiinta Dhalinyarada Ah Ee Magaca Iyo Karaamamada U Soo Hooyay Guud Ahaan Da”ayarta S/land . Sidoo Kale Waxaa Kaalinta Sadexaad Ku Jira Masuuliyiinta Dhalinyarada Ah Ee Bulsho Waynta S/land Tusay Kartida Daacadnimada Iyo Aqoonta Ay Dhalinyaradu Qaranka S/land Ku Hogaamin Karaan Waa Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley Ahna Maayarka Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi Waxaanu Muujay Dadaal Dheeraada Waxaanu Badalay Jawigii Laba Sano Iyo Bilo Uu Ku Jiray Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley Isagoo Gudoomiye Maxamad Amiin Soo Afjaray Khilaaf Iyo Kala Qaybsanaan Ragaadiyay Xildhibaanada Golaha Deeganka Caqabadna Ku Noqday Horomarinta Adeegyada Danta Guud Ee Bulshadu Baahi Wayn U Qabto Khilaafkan Oo Mudo Laba Sano Iyo Dheeraada Soo Jiitamayay Balse Maayar Maxamad Amiin Waxay Dadwaynaha Gabiley Uga Markhaati Yihiin In Uu Gobolka Gabiley U Horseeday Jawi Dagan Iyo Maamul Wada Shaqayn Buuxdaa Dhex Marayso Iyadoo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Fadhiyadii Golaha Joogteeyeen Waxaana Daraasaad Laga Sameeyay Wixii Ka Qaldamay Masuulkii Ka Horeeyay Lana Saxo Mar Kale Waxuu Soo Celiyay Kalsoonidii Dawlada Hoose Iyo Ganacsatada Magaalada Gabiley Ka Dhexaysay Waxaana La Bixiyay Dayn Badan Malaayiin Shilinka S/land Ah Sidoo Kale Waxuu Qabyo Tiray Mashaariic Badan Uu Qabyo Kula Wareegay Isagoo Dhagax Dhigay Mashaariic Badan Oo Hada Dhamaystir Ku Dhaw Isku Soo Wada Duubuu Waxuu Badalay Jawi Iyo Xaalad Cakiran Oo Sagaal Bilood Ka Hor Ku Sugnayd Magaalada Gabiley Isagoo Seeska U Dhigay Hanaan Cusub Oo La Bilaabi Doono Sanadka Cusub Ee 2016 Dadaalkaa Dheeraadka Ah Kartida Daacadnimada Iyo Aqoonta Uu Muujay Maayar Maxamad Amiin Cumar Cabdi Ayuu Ku Mutaystay In Uu Ku Guulaysto Kaalinta Sadexaad Ee Masuuliyiinta Dhaliyarada Ah Ee Sumcada Karaamada U Soo Hooyay Guud Ahaan Dhalinyarada S/land Ugu Danbayn Masuuliyiintaa Kor Ku Xusan Ayaa Noqonaya Madax Dhalinyaro Ah Oo Ku Dayasho Mudan.
Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Related posts:“Xeerka Shaqaalaha Dawlada, Xeerka Dorashoyinku Labaduba Agaasimaha, Jananka, Safiirka iyo Shaqaalah... Midowga Africa Oo Isku Raacay In Aan La Maxkamadayn Madaxwaynayaasha Qaarada Inta Ay Xukunka Hayaan ... “Sangub Wuxuu Ahaa Hal Abuur, Rabbi Hibo U Siiyey Curinta Iyo Falkinta Heesaha,Gabayada Iyo Majaajil... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|