|
|||||
WAJAALE NEWS
Marwo Faadumo Siciid iyo Wefti ay Hoggaaminayo oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Berbera+ Koob Ciyaareedna u Dhigtay Laba Kooxood ,SAWIRO
December 17, 2015 - Written by Editor:BERBERA(W,N):-Wefti miisaan culus ay hoggaaminayso La’taliyaha arrimaha dibadda ee guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid, ayaa maalintii shalay ahayd si ballaadhan looggu soo dhaweeyey , si’ diiranna looggu qaabilay dulleedka magaalada Berbera. Weftigan ballaadhan oo ay marwo Faadumo Siciid ku wehelinaayeen guddoomiye xigeenka 4aad ee xisbiga WADDANI, xoghayaha arrimaha gudaha, afhayeenka garabka dhallinyarada iyo xoghayaha guud ee garabka dhallinyarada heer qaranka e xisbiga WADDANI ugu damebynti loo gelbiyey xarunta dhaxe ee xisbiga WADDANI uu ku leeyahay magaalada Berbera, waxaana soo dhaweyntii ballaadhnayd ee weftigan ka qeyb-qaatay guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobalka Maroodi-jeex, xubno ka tirsan mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga WADDANI, dhallinyar, haween iyo taageerayaal aad u tira badan. Ugu horeynna waxa munaasibaddaasi ka hadlay afhayeenka gobalka Saaxil ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Cali, waxaana uu sheegay in ay ka gobal ahaan ay si diiran u soo dhaweynayaan weftiga ay hoggaaminayso Marwo Faadumo Siciid. “Walaalayaal maanta halkan waxa aynu si diiran oo kal iyo laaba aynu ugu soo dhaweynaynaa wefti heersare ah oo innooga yimi caasimadda Somaliland oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, weftigaas oo ay hoggaaminayso Faadumo Siciid oo ah madaxda ugu sar saraysa ee xisbiga WADDANI iyo guddoomiye xigeenka 4aad ee isla xisbigaas Milgo Maxamed Cali, waxaana aanu leenahay soo dhawaada, ku soo dhawaada magaaladdinii la idinka jeclaa, magaaladdiinii oo dadka oo dhami idiin heelan yihiin illaa iyo saakana ay idin sugaayeen, cadceeddaa aad arkaysaana idinka awgiin u taagan.”. Ayuu yidhi Axmed Cali Guddoomiyaha gobalka Saaxil ee xisbiga WADDANI Md.Cali Kooshin oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in weftigani uu soo booqdo xarunta gobalka Saaxil ee magaalada Berbera, waxaana uu yidhi:“Waxa aan idinku soo dhaweynayaa gobalka Saaxil oo ka duwan siddii uu ahaan jiray waayaddii hore oo boqolkiiba boqol ka duwan, oo dadka jooggaana ay dareemeen in xisbiga qudha ee tantoodu ku jirtaa uu yahay xisbiga WADDANI, waxaana odhan karaa maanta gobalka Saaxil boqolkiiba 70%, waxa uu taageeraa xisbiga WADDANI, waxaana aan uga mahad celinaynaa bulsho weynta reer Saaxil taageeraddaa qiimaha badan ee ay maanta na siiyeen.”. La’taliyaha guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee arrimaha dibadda Marwo Faadumo Siciid oo iyaduna dhankeeda halkaas ka hadashay, ayaa ugu horeyn u mahad celisay dhammaanba mas’uuliyiintii iyo taageerayaashii kala duwanaa ee sida diiran iyada iyo weftiga ugu soo dhaweysay magaalada Berbera.
“Marka ugu horeysa waxa aan si aada ugu mahad-naqayaa dadka reer Berbera ee sida wanaagsan ee caqiibada leh ee aad nooggu soo dhaweyseen magaalada Berbera. Anig waxa aan ahayn inan gurigeedii timi, hoygeedii timi, gobalkeedii timi, dadkaygii ayaan u imi, caruurtaan habayarta u ahaa, edada u ahaa, ayeyda u ahaa ayuunbaan maanta u imi. Habaryarahay iyo eddooyinkay ayaan u imi, abtiyaashay iyo adeeraday ayaan u imi. Runtiina waxa aan aad iyo aad uga xumahay in beriberi ay noqotay hal ay 10 waraabe hareeraha ka cunayaan, dawladdii waxa ay noqotay waraabihii, berberina waxa ay noqotay hal fadhida, waad arkaysaan oo meel kasta waa la idinka soo galay, wax Allaale iyo wax la idiin tarayaana ma jirto.”.Ayey tidhi Marwo Faadumo Siciid. Sidoo kale , waxay weftigu ay gelinkii dambe ka qeyb-galeen ciyaar aad u xiiso badan oo dhex martay Laba kooxood oo ay Marwo Faadumo Siciid u dhigtay koobkii ciyaaraha isla mar ahaantaana ay ugu dambeyntii halkaas Koob ku guddoonsiisay kooxdii guulaysatay iyada oo sida oo kalena koob guddoonsiisay kooxdii laga badiyey. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|