|
|||||
WAJAALE NEWS
“Markaad Maqasho waxa la Iibinayaa Saldhiggii, Maktabaddii & Birjeex, Waxaad is weydiinaysaa Xoriyad la soo noqoshadii Somaliland ma waxay ahayd…”
December 31, 2015 - Written by Editor:Wasiir ku-xigeenkii hore ee Qorsheynta Cabdikariim Axmed Mooge Hargeysa,(Wajaalenews)– Wasiir ku-xigeenkkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Cabdkariin Axmed Mooge, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in la iibinayo Xarumo ay ka mid yihiin Saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa iyo Xerada Ciidammada Qaranka ee Birjeex iyo maktabadda Gaandi. Cabdikariin oo Qoraal kooban soo dhigay bogga uu ku leeyahay Face-book-ga ayaa yidhi, “Markaad maqasho waxa la ibinayaa Saldhiggii, Maktabaddii dhalinyarada bilaa camalka’ ahi wax ku akhrisanaysay, dhulkii gaadhi dhigashada ee rugta Madadaalada iyo Murtida, Birjeex iyo guryihii Shacabka oo dhamaan ka mid ah hantida shacabku ku wada yeesho dawladnimada!! waxaad is weydiinaysaa xoriyad la soo noqoshadu ma waxay ahayd dhaxal wareejinta hantida ummada iyo in koox yar oo gaar ahi ay diir ku noqoto hanbadii Siyaad Bare ka xishooday?.” Cabdikariin oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Waxaan u sheegayaa siyaasiyiintan anfac raadiska ah ee gofanayaasha ah, waar dadka ha nacsiinina Somaliland, walaahi maalin baa iman doonta dadku is weydiiyo Somalilandtii curaddadiini u dhinteen ma tan bay ahayd”.ayuu yidhi.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|