Maraykanka: Cabsida Kiristaanka, Korodhka Muslim-nacayb-ka iyo Guddoomiye Jaamacadeed oo Ardaydiisa ku Dardaaray inay Hub Qaataan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka: Cabsida Kiristaanka, Korodhka Muslim-nacayb-ka iyo Guddoomiye Jaamacadeed oo Ardaydiisa ku Dardaaray inay Hub Qaataan.
December 10, 2015 - Written by Editor:

Guddoomiyaha Jaamacadda la yidhaa Liberty University oo ku taalla dalka Maraykanka Jerry Falwll, ayaa ku boorriyey Ardayda wax ka barta Jaamacadda ee Kiristaanka ahi inay fasallada la yimaaddaan Hub u qarsoon oo ay isku difaacaan haddii la soo weeraro.

“Waa in aan dhammaynaa Muslimiinta ka hor inta aanay gudaha soo gelin. Waa in aan cashar barnaa haddii ay halkan yimaaddaan (Muslimiinta).” Weedhahaas ayaa ka mid hadallada Islaam nacaybka ah ee Jerry Falwll u jeediyey Ardayda Kiristaanka ah.

Hase-yeeshee, markii uu hadalkaasi baahay ka dib, ayey dad badani sheegeen in Madaxweynaha Jaamacadda Liberty Prof: Falwell uu baxsado marka uu arko Muuqaalka qof Muslim ah baqasho darteed, hadalka ka soo yeedhayna yahay mid cabsi badani ka keentay.

“Waxa aan weligay u haystay in haddii qof wanaagsan hub qarsado laga hortagi karo Muslimiinta. Waxa aan u jeedaa Muslimiinta weeraray Paris iyo California.” Sidaa ayuu Guddoomiyaha Jaamacadda Liberty Prof: Jerry Falwll ku yidhi Qoraal uu ku baahiyey Ciwaanka uu ku leeyahay Bogga Shabakadda Twitter-ka.

Masuulkan oo Warbaahintu la xidhiidhay, isla markaana Suxufiyiinta qaarkood wax ka weydiiyeen saamaynta hadalka ka soo yeedhay ee isugu jira taxaddirka iyo Islaam-nacaybka, waxa uu ku dooday inay jiraan Muslimiin tiro badan oo aragti ahaan uu aamminsan yahay, balse dhawaaqiisu u muuqan karo mid dhibaato lagaga dhex abuurayo Ardayda Kiristaanka iyo Muslimiinta ah ee wax ka barta Jaamacaddaas, sida ay dad badan oo kuwa wax falanqeeya ka tirsani ku doodeen.

 

COMMENTS
LINKS