Magaalada Gaalkacyo oo lagu Dilay Ganacsade Caan Ah Iyo Dhaawaca loo Geystay Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Galmudug. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaalada Gaalkacyo oo lagu Dilay Ganacsade Caan Ah Iyo Dhaawaca loo Geystay Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Galmudug.
December 4, 2015 - Written by Editor:

Gaalkacyo-(Wajaalenews)- Kooxo dablay ah oo hubeysan oo aan weli aqoonsan hayntooda ayaa maanta ku dilay magaalada Gaalkacyo Ganacsade caan ka ah magaaladaa, oo lagu magacaabi jiray Daahir Aqwaan, isla markaana dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dawlaf goboleedka Galmudug oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Tahliil.

Warku waxa intaa ku daray in kooxdan hubaysani ay weerar la beegsadeen gaadhi ay saarnaayeen Xildhibaanka iyo Ganacsadaha oo marayay wadada tagta garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, iyaga oo ku socday xarun uu shir uga socday Madaxda Puntand, Galmudug, Madaxda Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyada oo ganacsadahan la dilay uu ka mid aha dadka ku hawlanaa xalinta xiisada ka taagan Gaalkacyo, isagoo ka qeyb qaadanayay dadaaladii nabadeed ee ka socday magaalada, kaasoo uu

hor kacayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid degan, iyadoo wali ay ka socdaan dadaalada lagu doonayo in lagu dhameeyo xiisada colaadeed ee ka taagan magaaladaas.

Guddiyada ku howlan xalinta colaada ayaa maanta lagu wadaa inay kala qaadaan ciidamada isku hor fadhiya magaalada, waxaana rajo laga qabaa in lagu guuleysto kala qaadista ciidamada is hor fadhiya ee labada dhinac.

 

 

COMMENTS
LINKS