|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne, Sixir-bararku Uma Baahna Guddi Aad Usaarto Ee Wuxuu U Baahanyahay..! Qalinkii: Mohamed Gacayte
December 4, 2015 - Written by Editor:“Nin dawee la leeyahay Danbi uu badh leeyahay Xalka doon la leeyahay Isaguu u daranyoo Inuu daaro ma ogola” Waxa si aada looga dareemayaa suuqyada ganacsi ee dalka sicir barar aad u sareeya oo saameeyay dhamaan qaybaha bulshada ee kala duwan kuwaas oo marka horaba la daalaa dhacayay nolol maalmeedka. Hadaba Mudadii ay talada dalka gacanta ku haysay Xukuumada M/weyne Siilaanyo, Nolosha bulshada rayidka ahi waxay ahayd mid sii adkaata maalinba maalinta ka danbaysa, waxaana sabab u ahaa sicir bararka suuqyada iyo maceeshadii oo circa isku shareeray. Xukuumadu iyadoo masuul ka ah daryeelka nolosha danyarta, hadana may noqonin mid la timaada sidii ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka ku gadaaman nolosha shacabka ee ay ugu horeyso sicirbararka. Isakaba daa in wax laga qabtee Xukuumada Siilaanyo waxay noqotay mid dhiiri galisa sicir bararka suuqyada waxaanay gabi ahaanba meesha ka saartay Shaqadii Baanka Dhexe Qabanlahaa oo ay cid gaar ah siisay, qiimaha sarifka suuqyadu wuxuu noqday mid ay cid gaar ahi jarto ama ka taliso, waxa la wiiqay shaqadii Baanka Dhexe oo laga dhigay mid aan awood u lahayn inuu wax ka qabto hadii sicirka suuqyadu sare u kaco ama hoos u dhac ku yimaado. Hadaba waxa nasiib daro ah in M/weyne Siilaanyo maanta yidhaahdo guddi baan u saarayaa sicirbararka. Kadib markii u fadhiid ka dhigay Baankii Dhexe ee Somaliland oo isagu ah Waaxda Qarankan masuulka uga ah la socodka ama xakamaynta sicirka suuqyada iyo maceeshada. Hadaba shaqadii baanka waxa maanta gacanta loo galiyay oo lagu naas nuujiyaa cid gaar ah oo maalinba sicirka ay doonaan u jara suuqyada iyo kolba sida ay dantoodu ku jirto ee ay ku faa,iidayaan, cid bulshada danteedka ka shaqaynaysaana aanay jirin arinkuna uu yahay “Qowda Maqashii Waxna How Qaban” . Dhaxalka xukuumada Siilaanyo lagu xasuusan doono ayay ka mid tahay Sicir bararka Suuqyada, Maceeshada iyo Nolosha adag ee bulshada danyarta ahi maanta ku sugan tahay. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaan leeyahay M/weyne Arinta Sicir bararku uma baahna Guddi aad u saarto ee wuxuu u baahan yahay in aad usoo celiso awoodahii Banka Dhexe ku shaqayn lahaa oo maanta cid gaar ah gacanta ugu jirta, si Baanka Dhexe u helo awood uu ku xakameeyo sicir bararka ragaadiyay noloshii danyarta Somaliland . Waxaan mar labaad usoo jeedinayaa xukuumada m/weyne Siilaanyo inaan arinkoodu noqon:- “Nin dawee la leeyahay Danbi uu badh leeyahay Xalka doon la leeyahay Isaguu u daranyoo Inuu daaro ma ogola Daaraanta miridhka leh Ana dayso ma ogali Deebaaqda igu mudan”. AHN..Abwaan Gaariye Alaa mahad leh Mohamed Aadan Gacayte Falanqeeya arimaha bulshada Hargeysa Somaliland
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|