|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha JSL Oo Magacaabis, Xilka Qaadis Iyo Bedel ku Sameeyey Gudoomiyeyaasha Gobolada, Agaasimeyaasha Guud, La-taliyeyaasha Madaxweynaha Iyo Xubno kale .
December 22, 2015 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3730/122015 uu Magacaabis, Xilka qaadis iyo Bedel ku sameeyey Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Gudoomiyeyaasha Gobolada, Agaasimeyaasha Guud, La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Xubno kale oo dhawra. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Guddoomiyeyaasha Gobolka Dalka; Markuu La Tashaday: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha; Markuu Arkay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagooyinkaas; Wuxuu Go’aansaday
MAGACAABIDA AGAASIMEYAASHA GUUD MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL; Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso; Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyahay jagooyinkaas; Wuxuu go’aansaday
MAGACAABIDA LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA JSL MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkaa; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkaa; Wuxuu go’aansaday
MAGACAABIDA XUBNAHA GUDDIDA KOMISHANKA MAAMUL WANAAGA MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaagu u leeyihiin Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Xubnaha Komishanka Maamul-wanaagga; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday
MAGACAABIDA MAAREEYE KU-XIGEENKA TELEFISHANKA QARANKA
MASUULIYIINTA XILKA LAGA QAADAY.
Dhammaan waxaan idinka Mahad celinayaa Mudadii aad Xilalka Qaranka soo hayseen. xilalka qaranka ayey dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cidii hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen. Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilkii aad qaranka u hayseen Masuuliyiinta Cusub een u soo igmaday Xilkaasi isaga ah. Masuuliyiinta ay khusayso arrintanina waxaan farayaa inay sida ugu haboon ugu kala wareejiyaan masuuliyiintaasi Xilalka. ALLAA MAHAD LEH Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Related posts:Xisbiga Wadani Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Kulan Ay La Yeesheen Wafti Ka Socday Beesha Caalamka Iyo Qo... Hoggaamiye Xirsi Oo Ka Hadlay Tabashada Reer AWDAL Ee Saami-qaybiga Kuraasta Wakiillada Oo Aan Weli ... Daawo:Xil.Kijaandhe Oo Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland Ku Sifeeyay Mid Uu Wasiir Sacad Boorso Ku... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|