Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadashay Laba Masuul Oo Loo Magacaabay Boos Isku Mid Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadashay Laba Masuul Oo Loo Magacaabay Boos Isku Mid Ah
December 24, 2015 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED

Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku cadaynayaa in, Abdisamad Cumar Maal, oo ahaa La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah, in si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay ku simaha, garyaqaanka guud ee Qaranka, ka dib markii garyaqaankii guud ee qaranku Mudane Ibraahim Iidle Saleebaan uu deeq Waxbarasho oo “Sannad iyo Badh ah”uu  ugu baxay Dalka Koonfur afrika.

Sidaa darteed, Af-hayeenka Madaxweynaha JSL, wuxuu qoraalkan ku caddaynayaa in aanay jirin hal xil oo isku mid ah oo uu Madaxweynuhu u magacaabay laba masuul oo kala duwan.

Ugu danbayntii, Mudane Fahmi Cabdi Bidaar ayaa ah La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah sidii ku cadayd warsaxaafadeedkii kan ka horeyey.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

 

 

COMMENTS
LINKS