Maayar Cabdishakuur Masuul Mudan In La Abaal Mariyo. Qalinkii Cabdisaciis Maydhax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayar Cabdishakuur Masuul Mudan In La Abaal Mariyo. Qalinkii Cabdisaciis Maydhax
December 4, 2015 - Written by Editor:

Qofkasta aoo bani,aadam ah oo ka mid ah bulshada afka somaliga ku hadasha ama reer Somaliland waxay leeyihiiin dad kooban oo ka tagay magac iyo taariikh lama ilaawaan ah oo bulshada Somaliland dareento,xiliga shakhsigaasi,umadda ka kasbaday,inay u aqoonsadaan shakhsi,caan ku ah inuu shacabkiisa u qabto waxyaabo dhaxal gal ah,shakhsiyaadkaasi waxay ka soo dhex baxaan masuuliyiinta u adeegta bulshadooda, ama xilalka ka haya, hay,adaha qaranka.

maayarka berbera

Waa sune in qofkastaa ka garaabo kuna amaano qofkii la yimaada xilkasnimo iyo meel marinta masuuliyiinta loo dhiibay.

Warbaahinta waa halka laga baahiyo wararka arargtida shakhsiga ee qofka waana muraayada soo bandhigta qalooca iyo wixii u baahan in la toosiyo.iyo sidoo kale cidii mutaysata dhiirigalin.

Hadii aan u soo noqdo ujeedada maqaalkan, waxaan jeclaaday inaan ka dareen celiyo masuul ka mid ah maayarada degmooyinka dalka oo xafladii xuska maalinta aidska aduunka lagu gudoonsiiyey shahaado,sharaf magaalada hargeisa ,maayar cabdishakuur maxamuud cidin maayarka degmada berbera,ayaa xafladaa waxa madaxwayne axmed maxamed siilaanyo ku abaal mariyey shahaado uu ku mutaystay caawinta iyo ka warhaynta dadka ku nool gobolka saaxil ee la nool xanuunka hiv aidska.

Run ahaan waxay ahayd arin qofkastaa oo goobtaa ku sugnaa oo  qiimayn kara mauulka wanaagsan uu soo dhaweeyey talaabada lagu dhiirigaliyey maayar cabdishakuur maxamuud cidin,

Sababta kaliftay inaan maqaalkan ku cabiro dareenkayga iyo aragtidayda, waxaan aad ula yaabay maqaal lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka, dhaleecayn iyo xajiimayn qaawan oo lagu dhaliilay karaamada iyo waxqabadka iyo shakhsinimada maayar cabdi shakuur maxamuud cidin,laakiin waa nasiib daro ku kooban inta xumaanta jecel ee sumada u ah ceebaynta masuuliyiinta kooban ee muujiya xilkasnimo iyo wadaniyada,sida maayar cabdishakuur maxamuud cidin oo ah maayar ka badbaaday inuu khasaariyo umadii soo dooratay,

Hadii aan si kooban u iftiimiyo,waxyaabaha uu ku guulaystay maayar cabdishakuur maxamuud cidin mudadii uu ahaa,maayarka magaalada berbera waxa ka mid ahaa qashinka oo ah aafada ugu wayn ee magaalooyinka dalkeena saameeyey, iyadoo magaalada berbera ay tahay magaalo soo saarta qashin xad dhaaf ah oo ka badan qashinka ka soo baxa magaalooyinka kale ee dalka tusaale ahaan

1-berbera waxay leedahay bad soo saarta maalin walba qashin tiro badan oo u baahan in joogto looga nadiifiyo.

2- Waa magaalada dekeda u ah guud ahaanba dalka waxaana ka soo dega dhamaan badeecadaha looga baahanyahay dalka.waxaana maalin walba ka soo baxa dekeda qashin aad u badan

3=Dekeda berbera waxa joogto uga dhoofa xoolaha nool ee dalkeena oo kaga taga magaalada berbera digo iyo hadhaaga quudka xoolaha oo u badan bal iyo caws waxa kaliya ee ay kala simantahay magaalooyinka dalka waa qashinka ka soo baxa bulshada,hadana waa magaalada ugu nadaafada badan uguna  qashinka yare.

 

Masuuliyiinta dawlada hoose ee degmada berbera,ee uu gudoomiyaha ka yahay maayar cabdishakuur waxay horsed u noqdeen inay meel mariyaan qorshaha waxqabad ee ugu wanaagsan guud ahaanba dalka oo ay barbar,socoto waxqabadka iyo horumarnta kale ee degmada berbera

Gabagabo waxay danta umadu waxay ku jirtaa  hadii aynu noqono umad jecel wanaag iyo masuulka wanaagsan,si loo helo dad iyo dal nasiib u hela inay soo saaraan masuul yihiin umadooda uga taga dhaxal iyo taariikh wanaagsan

Qalinkii cabdicasiis maxamed maydhax

COMMENTS
LINKS