Maal Iyo Halkii Iin Leh Baa Maanta Sarayaa, Ka Meermeeri Maaye Run Baa Soo Mutaxayaa … Siyaasi Abdishakur Gande . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maal Iyo Halkii Iin Leh Baa Maanta Sarayaa, Ka Meermeeri Maaye Run Baa Soo Mutaxayaa … Siyaasi Abdishakur Gande .
December 10, 2015 - Written by Wariye:

dhaxeeya siyaasada madaxwaynaha, madaxwayne ku xigeenka iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye geediga socodka sayaasadeed kuwada jira….

Madaxwayne Siilaanyo, Madaxwayne kuxigen Saylici iyo Gudoomiye Muuse Biixi si dhabay siyaasad wadaag unoqdeen kadib heshiiskii Madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha heshiiyeen, markaaso madaxwaynahuna gogol siyaasad wadaag mustaqbal xisbiga dhexdhigay madaxwayne kuxigeenka iyo gudoomiyaha kadib khilaafyo siyaasiyan ahaa dhexyaalay Saylici & Biixi kaaso ahaa hirdankii cadeeyay in Saylici & Biixi murashaxnimada Xisbiga hanan karaan halka haldoor badan oo siyaasada kulmiye u muuq-dheera kudhaceen
imtixaanki ama loolankii u eekaa cayn khilaaf & kalaguur.

Sidadarteed, madaxwayne Siilaanyo & Gud Biixi way ka wareegeen cidkastoo siyaasada mustaqbalke xisbiga lajaan qaadi kari wayday intii la aragti noqotayna way soodhawaysten si hawlahii shaqee qaranku halkoodi uuga sii socdaan, sidokale dhiig cusub bay kushubten kuwii kumilmay murankiisiyasadeede xisbiga siyaasiyiin kasbasho lehna suuqay kaxusheen.

Waxa kaloo jira siyaasiyiin kaloo badankoogu si foolxumo ah saxada siyaasada xisbiga uga huleeleeb iyago sababsanaya in ay la socon kari waayeen gudomiyaha xisbiga iyo madaxwayne kuxigeenka awood buu noo isticmalay. Waa sida hadalkoodu u dhignaaye.

Sidokale, waxa iswaydin mudan muxu Saylici wax u badali laayahay golihiisi wasiirada iyo siyaasiyiintii ay siyaasad wadaaga ahaaayeen ee ku shailmay hirgalinta siyaasadiisi qaranka & xisbigee ay siyaasad wadaaga ku ahaayeen isago ka xataa kawaayay codkii & taageerihi damiciisii murashxnimada mustaqbalka dhow.

Si kaste ha ahaate, waxaa iswaydiin mudan; goormu madaxwayne kuxigenku siyaasiyiinti ay siyaasad wadaaga ahaayeen ee siyaasada qaranka & xisbiga ku fashilmay wax ka badal ku samaynayaa? Sidokale muxuu siyaasiyiinti xilka haynee hirgaliyay hababkii siyaasadeed suurogalka ka dhigay suuragalinta damiciisi siyaasadede murashaxnimada Xisbiga shanta sano ee soosocota & siyaasiyiin cusub o kale saxada siyaasada ugu soodaarsan laayahay si uu uga gudbo fashilkii hore ee siyaasiyiintii ay siyaasad wadaaga ahaayen fashilmeen uuna abuurto siyaasiyiin saxada siyaasada la jaan qaadi karaya si damaciisa siyaasadeed ee mustaqbalku suurogalintiisu u sahlanaato???

Go’aanka siyaasadeede madaxwayne xigenku wax kabadelkiisu wa mid saamayn wanaagsan kuyeelanaya siyaasada dalke maanta sugaysa isbedelkiisa siyaasadeed iyo in uu sideedaa ku daayo sababi karta in hakad galo horumarkii & oofintii balamihii madaxwaynaha iyo geedi-socodkii xisbiga kulmiye ku hanka waynaa hogaanka talada dalka shanta sano ee danbe halkaaso madaxwaynaha iyo gudoomiyuhu khilaaf siyaasadeed kaga soo horjeesan doonaan hadii Saylici difaaco siyaasiyiintiisa fadhiidka ah.

Mudane C/raxman Saylici, cisi iyo sharaf baa u hayaa, xushmad iyo qadarin buu igu leeyahay, wanaag iyo waalidnimaa noo dhaxaysa, talo iyo taageera la barbar taaganahay, hogaan iyo nin han le baa ahay sidii hamigiisa hogaanimo shanta Sano ee soo soosocota iyo hiigsigayga maanta sadkiisu galay siduu Ku hirgali lahaa baa su’aalahan isku waydiiyay.. Qalad muuqda & carqalad qofnimadiisa wanaagsan hortaagan oo muuqataa sababteeda u raadinayaa….. Madaxwayne kuxigeenka shaqadiisa iyo shakhsiyadiisa dadka iyo dalkuba doorteen kuwa dilaya ka digayaa, dilaaliin u dhuumatiyo duli qarsoon baa daleeda soo dhigayaa……..

Mudane madaxwayne Ku xigeen waxaan fariin kuugu soodiraya, anigo dadkana u bandhigaya in siyaasiyiinta siyaasad wadaaga tihiin wax ka badal u baahan yihiin, mudane waxaan markale kuugu baaqaya cid daacada inaad dalka iyo shaqada dalka u doorato…….. Ugu danbayn waxan adigo raaliya Kuna mahadaan kaa codsanaya wanaagii, hufnaantii, cadaaladi, daacadnimadii, dulqaadkii, hawlkarnimadii iyo maamul wanaagii lagugu doortay aad ku doorato masuuliyiintaad shaqada qaranka u igmanayso waayo waa muraayad lagaa dhex daawado masuuliyiintaad magacaabto……..

Abdishakur Mohamed Hassan (Gande)

COMMENTS
LINKS